Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka PL oo xilka la wareegey

Image

June 23, 2015 (GO)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland  Cali Cabdullaahi Warsame ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegey.

Munaasabadda xil wareejintu waxay ka dhacday xarunta Wasaaradda ee Garowe, waxaana ksoo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil ka socdey madaxtooyada.

Wasiirka cusub waxaa xilka ku wareejiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka Faarax Cali Cabdi.

Faarax ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda muddadii sanad iyo barka ahayd ee ay jirtey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame ayaa ka mahadceliyey qaabka xilka loogu wareejiyey, wuxuuna ballan qaaday in uu  ku dadaali doono sidii loo baahin lahaa shaqooyinka ay Wasaaradda Deegaanku qabato.

Mudane Warsame ayaa isla maanta lagu dhaariyey xarunta madaxtooyada ee Garowe.

Warar maalmihii lasoo dhaafay dadku isla dhex marayey ayaa sheegayey in Cali Warsame ku qanacsaneyn xilka cusub ee loo soo magacaabay, waxaana xusid mudan in todobadkii lasoo dhaafay uu magaalada Galkacayo kulammo gaar gaar ah kula yeeshay qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha beeshiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM