Wasiirka Warfaafinta oo isimadda Puntland ku tilmaamay “Dimuqraadiyad diid”

Image

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in shirka Isimada oo koobanaa garab taageersan mucaaradka oo kaliya.

Tani waa jawaabtii ugu horeysay oo toos ah oo ay bixiso dowladda uu hogaamiyo Madaxweynaha dhawaan xilka ka degayo Saciid Cabdullahi Deni.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan Hay’ado ku shaqo leh Doorashada sida Guddiga Doorashada lagu muransanyahay ee PEC, Baarlamaanka iyo maxkamadda Dastuuriga ah.

Wasiirku waxa uu sheegay in Isimada aanay waxba kaga duwanayn dadka kale, isla markaana uu go’aankoodu yahay aragti.

"Isimmada ma noqon karaan Marjic, waxay sidaas ahaayeen markii Puntland la dhisayey, maanta Baarlamaan baan leenahay."

Wasiirku ayaa Isimmada dusha ka saaray cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aamadii ay soo saareen sida uu hadalka u dhigay, isagoo carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan hanaanka doorasho ee muranka ka taaganyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM