Wasiirka Warfaafinta: Shirkadaha Puntland uma hogaansami karaan Muqdisho

Image
SAWIR HORE

GAROWE, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid ayaa maanta ku dhawaaqay in Puntland aysan dhaqan gelin doonin amarkii kasoo baxay dowladda Federaalka ee lagu mamnuucay isticmaalka aaladaha TikTok 1XBET iyo Telegram.

Wasiirka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay mid federaal ah, isla markaana uu sharciga dalka kala duwanyahay, isagoo xusay in sharuucda Puntland ay ka horreeysay mida Federaalka.

Madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Dani ayaa arrintan u saaray guddi farsamo oo ka wada xaajoonaya sida loo maamuli doona baraha bulshada, guddigan ayaa isugu jira khubaro iyo sharciyaqaanno, sida uu sheegay wasiirku.

Wasiirka ayaa yiri:

“Arrintaas weli waa socotaa dhameystirbayna mareysaa, todobaadyada soo socdana waxaa la rajeynayaa in baarlamaanka loo gudbiyo.”

Waxa uu intaas raaciyey: “Waxa ka soo baxa xeerarkaas, ayaa sharci noqonaya oo lagu kabi doono xeerka Caqaabta iyo xeerka Saxaafadda.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirkadaha Puntland aysan u hogaansami karin go’aamada ka soo baxa Muqdisho.

Mar wax laga weydiiyey in Puntland ay hoos timaado Muqdisho, waxa uu wasiirku sheegay inay socdaan wada-hadallo, isla markaana aysan u hoggaansami doonin go’aannada Muqdisho kasoo baxa ilaa heshiis la gaaro.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM