Wasiirkii hore ee Deegaanka Puntland oo xilka ku wareejiyey ku-xigeenkiisa

Image

June 23, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Deegaanka, Dalxiiska iyo Duur-joogta ee Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka u wareejiyey.

Saalax ayaa kamid ahaa wasiirro sagaal ah, kuwaasoo xilalkooda waayey kadib isku-shaandheyn Madaxweyne Gaas dhowaan ku sameeyey golihiisa wasiirrada.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa ka dhacday xarunta  Wasaaradda ee Garowe, waxaana xilka si kumeel gaar ah ula wareegey wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Faarax Cali Jaamac.

Guuleed Saalax  ayaa si kooban uga warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu wasiirka ahaa, isagoo xusay in wasaaraddu horumar ballaaran sameysey islamarkaana la hirgeliyey mashaariic dhowr ah oo ku saabsan horumarinta iyo dhowrista deegaanka.

Muxuu Wasiirka Deegaanku xilka  ula wareegi waayey?

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta uu xilka ula wareegi waayey wasiirka cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Wasaaradda Deegaanka, Dr. Cali Cabduulaahi Warsame, xilli ay soo baxayaan warar madax bannaan oo sheegaya in uu xilkaas ka biyo diidsan yahay.

Cali Cabdullaahi ayaa xilligan ku sugan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo uu wadatashi iyo kulamo gaar gaar ah kula leeyahay waxgaradka iyo odayaasha beesha uu kasoo jeedo.

Munaasabad tan oo kale ahayd oo isla maanta ka dhacday magaalada Garowe ayaa waxaa xilka ku wareejiyey wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaaji Warsame.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM