Weerar askar lagu beegsaday oo ka dhacay magaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Ugu yaraan laba askari ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacantay ka gedaal markii Miino ay la kacday kolanyo ay la socdeen oo mareysay xaafada Al Raxma ee magaalada Boosaaso.

Weerarkan arbushaad ah oo lasoo wariyey fiidnimadii Khamiista ayaa noqonaya mid kamida falalkii ugu dambeeyay ee lidiga ku ah amniga caasimada gobolka Bari ee ka dhaca halkaas.

Taliska Booliska xarunta ganacsiga Puntland ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in askarta waxyeeladu soo gaartay lagu daaweynayo Isbitaalka guud ee magaaladda.

"Haatan khasaaraha askarta ayaan hubinay. Balse, ma garan karno hadii rayid wadada marayey ay waxyeelo soo gaartay mana filayno," ayuu talisku ku yiri qoraal kooban oo uu GO u soo diray.

Ciidamada la beegsaday ayaa ku guda jiray howlgal si joogto ah uga sameeyaan gudaha magaalada, kaasi oo hadafkiisu yahay in la adkeeyo nabad-gelyadda magaaladaan ku teedsan gacanta cadmeed.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish ayaa qulqulatooyin khal-khal gelinaya amaanka ka geysta Boosaaso, wallow dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii ay uga takhalusi lahayd.

Xukuumada oo sheegtay in ay ahmiyada koowaad siineyso amniga iyo ciribtirka argagixisada ayaa fulita qorshahaasi ka bilowday Boosaaso xili todobaadkii la furay saldhigi cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM