Weerarka xabsiga Boosaaso: Ciidanka oo ka daba-tegay dableyda

Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidanka difaaca Puntland iyo maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa Jimcada maanta ah wuxuu iska hor-imaad ku dhexmaray koonfurta xarunta gobolka Bari ee Boosaaso.

Sidda ay wararku sheegayaan, dagaalka oo si gaar ah uga dhacay buuraha Girible iyo Gaaca ayaa u dhaxeeyay ciidanka amniga oo ka daba-tegay dableydii xalay weerartay saldhiga weyn ee Boosaaso.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in ciidamadda ay ku guuleysteen in ay gacanta ku dhigaan 25 isugu jira maleyshiyo Al-Shabaab ah iyo maxaabiistii ay ku furteen weerarkii xooganaa ee saldhiga.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa shaaca ka dhigay in iska hor-imaadka ay ku khaarijiyeen tobanaan kamid ah maleyshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan dhacay duhurnimadii maanta oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Dagaalkan dhacay duhurnimadii maanta ayaa kusoo aaday iyaddoo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu isaga oo xiran darees milatari uu maanta ka degay magaaladda dekadda leh ee Boosaaso.

Deni ayaa la filayaa in uu kulamo gaar-gaar ah la yeesho saraakiisha ammaanka isla markaana uu ka xog-wareysto weerarka dhacay iyo sidda ay ku dhacdey in ay ku guuldareysteen in ay ka hortagaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM