Wufuud u socota nabadeynta Boosaaso oo gaarey Garowe [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa Maanta Garowe gaarey wafuud kala duwan, oo isagu jira Madaxweyniyaal hore, siyaasiyiin miisaan leh, Isimo iyo waxgarad ka yimid degaanada Puntland iyo dalka dibadiisa, kuwaasoo ka jawaabaya baaqa Madaxweyne Deni ee nabada Boosaaso.

Madaxweyniyaashii hore C/raxmaan Farole iyo Cabdi Gaas oo uu wehliyaan siyaasiyiin u uku jiro Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa lagu soo dhaweeyay Garowe saacadihii hore ee Maanta iyagoo ka yimid dalka Kenya.

Waxay u yimaadaan in ay qeyb ka noqdaan dadaallada lagusoo afjarayo colaadda Boosaaso iyo xalinta khilaafka gacan ka hadalka sababay, ee ka dhex taagan Puntland iyo hogaankii hore ee hay’adda PSF.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxtooyadda kulan qado ah kula qaatey wafuuda timid Garowe, waxaana la isku diyaarinayaa in la guda galo nabadeynta Boosaaso ooh adda xaaladeeda degan, islamarkaana la kala qaadey Ciidankii isku hor-fadhiyay.

Deni ayaa xalay ku baaqey nabad iyo inuu diyaar u yahay heshiiska kasta oo xal lagaga gaarayo colaadda magaaladda Boosaaso, oo sababtay dhimashada in ka badan 20 qof iyo barakac xoog leh.

Wafdi dhinacyo badan isagu jira ayaa lagu wadaa inuu tego magaalada Boosaaso, si ay ula kulmaan saraakiisha PSF, oo uu kamid yahay agaasimihii xilka laga qaadey bishii hore Maxmuud Cismaan Diyaano.

Dhanka kale, waxaa maanta Boosaaso dib ugu laabtay qaar kamid ah qoys horey uga barakacay colaadda, kuwaas oo dhibaatada banaanka usoo adkaysan waayay, maadaama ay ahaayeen kuwa danyar ah.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu fursad siinayo wadahadalka, islamarkaana dowladdiisa ay diyaar u tahay inay la shaqeyso dhinacyada nabada Bosoaaso hadda ka shaqeynaya.

Waxaa sdioo kale jira baaqyo dibadda ka imaanaya, oo ay kamid yihiin Mareykanka oo taageera PSF iyo dowladda Federaalka kuwaasoo dhinacyada ku booriyay in xabada lagu bedelo wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM