Madaxweyne Xaaf oo lagu soo dhaweeyay magaaladda Garowe

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu soo gaarey magaalada Garowe, caasimada Puntland.

Hogaamiyaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay wafdiga uu horkacayey Axmed Madoobe garoonka diyaaradaha ee caasimada gobolka Nugaal.

Xaaf ayaa noqonaya madaxweynihii ugu dambeeyay ee maamul goboleedyadda ka degay Garowe, maadaama shalay oo Jimco ahayd ay intooda badan tageen madaxda kale.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynaha dalka, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu yimaado magaala madaxda Puntland xili ay socoto qaban-qaabada soo dhaweyntiisa.

Madaxda isugu timid Garowe ayaa kawada qaybgaleysa Shirka Wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo xukuumada federaalka ah, kaasi oo xaalada guud ee wadanka lagu gorfeyn doono.

Arrimaha sida gaarka ah diirada loogu saarayo shirka ayaa noqonaya siyaasada, amniga, dhameystirka dastuurka qaybyada ah iyo doorashooyinka sanadka 2020-21.

Kulankaasi oo socon doona maalmo ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii ay isla meel-dhigeen mas'uuliyiinta uu isu imaatinkiisa socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo Xabsiga Dhigay Haweeney Ku Eedeysan Dilka Gabar 14-Jirka Ah

Baaritaanka meydka ayaa muujiyay dhaawacyo badan, oo ay ku jiraan calaamado muujinaya in gabadha la ceejiyay iyo garaacis xoog leh.

  • Puntland

    15-11-2025

  • 07:40AM

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM