​Xaaladda magaalada Galkacyo oo dagan iyo khasaaraha oo kor u kacay

Image

GALKACYO, Puntland- Magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa xasilooni aan cago badan ku taagnayn kadib markii shalay galinkii dambe uu ka dhacay dagaal la isla gaaray xalay  fiidkii, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

Dagaalkaas ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen ku dhawaan 10 ruux labada dhinac, halka dhaawacu kor u dhaafay 30 qof.

Goobaha caafimaadka ayaa la dhigay dad waxyeello kasoo gaartay hoobiyaal labada dhinac is-weydaarsadeen, waxaana dhaqaatiirka cusbitaalada magaalada Galkacyo noo xaqiijiyeen inay jiraan dad xaaladoodu liidato.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaallamay, balse saraakiil ku sugan jiidda hore oo katirsan dhinaca Puntland, ayaa sheegay in weerar aan waxba loola harin kusoo qaadeen ciidamada Galmudug, waloow uu dhici soobay sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha ciidamada Kumaandoosta Puntland Kornayl Jimcaale Jamac Takar.

Wuxuu sheegay in dagaalkii shalay uga dhinteen labo Askari islamarkaana dhawacu gaarayo saddex ruux, isagoo intaas ku daray in khasaaruhu u badnaa dhinaca ciidamada Galmudug.

Jimcaale, ayaa xusay inay gubeen gaadiid dagaal islamarkaana khasaaro badan uu ciidamada Galmudug kasoo gaaray dagaalkii ay soo qaadeen sida uu hadalka u dhigay. HALKAN KA DHAGAYSO

Sheegashada saraakiisha Puntland ee waxyeellada dagaalkaas, kama hadlin dhinaca ciidamada Galmudug, waxaana xiriiro aan la samaynay noo suuro gali weyday inaan ka helno xog ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Xaaladda magaalada Galkacyo, ayaa muddooyinkii dambe kacsanayd, waxaana isku horfadhiya ciidamado ka kala tirsan dhinacyada ka taliya magaalada iyagoo dhowr jeer oo hore is faro saaray islamarkaana kala gaystay khasaarooyin kala duwan.

Colaaddaasi, waxay saamayn laxaad leh ku yeelatay shacabka ku dhaqnaa labada dhinac ee maamullada Puntland iyo Galmudug ka arrimiyaan, waxaana Qaramada Midoobay sheegtay inay ka qaxeen in kabadan 50 Kun oo ruux, kuwaasoo hadda ku sugan daafaha magaalada Galkacyo iyo deegaanada hoos yimaada.

Sannadkii hore dabayaaqadiisa ayaa labada maamul kala saxiixdeen hishiis ku aadan in degmada Galkacyo lagu wada daganaado nabad, balse taasi ma hirgalin.

Majirto wax waan waan ah oo ka dhex socda labada maamul, waxaana lagusoo beegay dagaalkan xilli dalka Somalia galayo doorashooyin madaxtinimo iyo mid Baarlamaan iyadoo dadka qaybtii arrinta u arkaan mid ay hurinayaan shakhsiyaad leh dano siyaasadeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha howlgalka Gobolka Bari

Axmed ayaa sheegay in hawlgalka milateriga ee ugu dambeeyey, oo diiradda saaraya buuraha Cal Miskat ee gobolka Bari, uu socday ilaa Isniintii.

  • Puntland

    22-01-2025

  • 02:22PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM