Xafiiska Madaxweynaha Puntland oo fasaxey Radio Daljir

Image

GAROWE, Puntland-  Amar kasoo baxey xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa dib waxaa loogu ogolaadey in Idaacada Daljir gudato wajibaadkedii Dastuuriga ahaa.

Idaacada Daljir ayaa lagu xirey amar kasoo baxey Madaxweynaha Puntland kadib markii ay wareysi ka qaadey gudoomiyahii hore ee gobolka Barri Candisamad Galan.

Xariga Idaacada oo aan loo cuskan wax sharci ah ayaa waxaa cambaareeyey dhamaan hay'adaha u dooda xuquuqda saxaafada. 

Xariga loo gaysto saxafiyiinta Iyo Idaacadaha ayaa xukuumada maaxweyne Cabdiweli Gaas ku soo oogin wax dambi ah  iyadoo dib xoriyadood ugu soo celisa muddo kadib.

Horey ayey aheyd markii Wariye ka tirsan talefishinka Somali Chanel muddo 15 Cisho ah ugu xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garowe isaga oo dib xoriyadiisa loo siiyey isaga oo aan lagu soo oogin wax dambi ah. 

Maamulka Radio Daljir oo la soo xiriirey GO ayaa u Mahad celinaya dhamaan dadkii taagerada u muujiyey muddadii ay sharci darada ku xirnaayeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM