Xasan Sheekh oo biyo qabow ku shubay "xiisada" hogaanka Puntland

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si maldahan u sheegay in dooda taagan ay la xiriirto arrimo shaqsiyadeed.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale waxa uu turxaan-bixiyey madmadowga soo kala dhex-galay xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo hogaanka dowlada Puntland.

Isaga oo su'aallo kaga jawaabayay kulan uu soo agaasimay xafiiskiisa warfaafinta, Xasan Sheekh ayaa waxa uu afka ku balaariyey in uusan jirin qodob siyaasi ah oo ay isku-hayaan hogaanka Puntland.

Balse, waxa uu xaqiijiyey in saddex kamid ah hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyadda ay dhowaan tagi doonan Garowe si ay wadaxaajoodyo ula yeeshaan madaxda Puntland si loo dhameeyo xiisadda muuqata.

"Ma garanayo qodob siyaasadeed oo ay isku khilaafsan yihiin dowladda Puntland iyo dowladda federaalka; waxa warbaahinta laga sheegay dhaqanka dowladnimada kamid maahan," ayuu tibaaxay.

Dadka la socda siyaasada Soomaaliya ayaa dhambaalkan waxay u akhriyeen in qodobada ay ku gorgortamayaan hogaanka haatan jira ee Puntland ay salka ku hayaan arrimo dhaqaale iyo kuwa shaqsiyadeed.

Madaxwayneyaasha tagaya magaala madaxda Garowe ayaa la filayaa in ay kala yihiin Axmed Cabdi Kaariye [Galmudug], Cabdicasiis Xasan Maxamed [Koonfur Galbeed] iyo Cali Cabdullaahi Xuseen [HirShabelle].

Wadashaqeynta dowladda federaalka iyo Puntland ayaa si weyn hoos-ugu-dhacay tan iyo markii la magacaabay Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre lana soo dhisay xukuumadda federaalka ee haatan shaqeyneysa.

Hogaanka haatan jira ee Puntland ayaa ka maqnaadey shirkii ugu dambeeyay ee dowladda federaalka iyo maamuladda oo ka dhacay Baydhabo. Illaa haatan, xafiiska ugu sareeya maamulka ka bixin sharaxaad.

Wadahadaladda soo aadan ayaa la filayaa in ay qabsoomaan bilooyinka soo aadan. Ajandayaasha ugu waaweyn ee la filayo in la horgeeyo waxaa qeyb ka ah doorashooyinka heer federaal ee dhacaya afar sano kadib.

Beesha Caalamka ayaa si weyn u dooneysa in shirarka soo aadan ay kasoo baxaan go'aano ay u mideysan yihiin hogaamiyeyaasha Soomaalida taas oo haddii la waayo ay joojin karaan dhaqaalaha ay ku bixinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM