Xasan Sheekh oo si dadban uga falceliyey eedeyn ka timid Puntland

Image
Cilaaqaadka ka dhaxeeya Villa Soomaaliya iyo maamuladda ayaa hooseeyay bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qaab aan toos ahayn wuxuu uga jawaabay eedeyn maamulkiisa dhowaan uga timid maamulka Puntland.

Puntland ayaa ku eedeysay hogaanka cusub ee dalka in ay bilaabeen in ay qaab aan sharci ahayn ah "uga ganacsadaan batroolka" ayaga oo adeegsanaya "sharci lagu muransan yahay".

Isaga oo la hadlaayay Soomaalida Mareykanka halkaasoo uu booqasho ku joogo, madaxwayne Xasan ayaa sheegay "mar walba qof isku-dayo in uu talaabo wanaagsan qaado uu la kulmaayo dagaal".

Hase ahaatee, wuxuu si cad carabka ugu adkeeyay in dowladiisa ay ka go'an tahay in ay soo saarto kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya gaar ahaan shidaalka wallow aan wali heshiis laga gaarin.

Balse wuxuu si aan caddeyn u sheegay in uu la fariisan doono hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee dalka "si aan is-faham uga gaarno qaabka iyo mad-madowga haatan soo ifbaxaya".

"Soomaaliya haddii aad damacdo in aan hal taako u qaado dhanka wanaaga waa in aad u dagaalantaa," ayuu yiri. "Waa in aan qaladaadkeena wax ka baranaa. Annaga waxaa naga go'an in aan ka faa'iideyno kheyraadka dalka".

Wuxuu raaciyey: "Qaylo iyo buuq badan waa maqli doontaan. Laakiin natiijadda ugu dambeysa waxaan rabnaa in ay noqoto mid Soomaaliya wax u tarta. Aad ayaan ugu mashquulsanahay in ay arrintaas iska fahmaan inta siyaasadda ku jirta".

Eedeynta Puntland ayaa ka dambeysay markii xubnaha kamid noqonaya Guddiga Qandaraas Bixinta Shidaalka Soomaaliya lagu soo koobay kooxda madaxwaynaha haatan xafiiska jooga oo qaatay wasaaradaha xulka ah.

Madaxtooyadda Puntland oo soo saartey war-saxaafadeed luuqad adag ku qoran ayaa ka digtey in hab-dhaqankan uu keeni kar "xasilooni darro, kacdoon shacab iyo rabshado".

"Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Caalamka in ay arrimaha kheyraadka iyo Batroolka Soomaaliya ay ugula dhaqmaan si waafaqsan Dasruurka KMG (Ku meelgaarka) ah ee DFS (Dowladda Federaalka Soomaaliya)," ayaa laagu warka qoraalka ah.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dowladda Puntland waxay ka digeysaa xasilooni-darada amni iyo siyaasadeed ee uu keeni karo dhaqan-gelinta hindise sharciyeedkan. Dowladda Puntland qeyb kama aha ku dhaqanka hindise sharciyeedkaan ilaa iyo inta wadahadal ku saabsan ay ka yeelanayaan Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda ha Xubnaha ka ah".

Qeybsiga kheyraadka ayaa kamid ah mawduucyadda xasaasiga ah ee Soomaaliya. Heshiis iyo sharciyo horey looga soo saarey ayaa ah kuwa aan heshiis mideysan laga gaarin. Madaxda siyaasadana wali iskuma imaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM