Xasan Sheekh: Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay in doorashada Puntland ay waqtigeeda ku dhacdo.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey miro-dhalka dadaallada odeyaasha dhaqanka Puntland ee ku aaddanaa qabsoomidda doorasho ay heshiis ku yihiin dhinacyada siyaasadda.

Sidda ay faafisay Villa Soomaaliya, madaxwayne Xasan ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyey go’aanka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni "kaas oo lagaga gudbayo hubinti la’aantii muddadan ka jirtay arrimaha doorashooyinka".

Qo’aanka Deni iyo kaalinta waxgaradka iyo isimada Puntland ayuu xusay in ay yihiin "tallaabooyin xoojinaya xasiloonida iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan".

“Puntland waxa ay xuddun u tahay Nidaamka Federaalka dalka, waa tusaalaha nabadda iyo wadajirka, sidaas awgeed waxaan adkeynaynaa dadaallada odeyaasha dhaqanka iyo waxagaradka," ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Waxaan Alle ka baryeyaa in doorashadaasi ay ku idlaato is-fahan iyo jawi nabadeed oo ka tarjumaya sooyaalka deegaannada Puntland.”

Villa Soomaaliya ayaa tibaaxdey: "Madaxweynaha oo garowsan doorka Puntland ay ku leedahay hannaanka Federaalka iyo dowladnimada dalka ayaa  ku dhiirrigeliyay dhammaan dhinacyada qeybta ka ah hannaanka doorashada Puntland inay sii wadaan wadatashiyada".

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa waxa uu muujiyay "sida uu u garab taagan yahay dhammeystirka doorashada iyo in lagaga gudbo marxaladdan wadatashi, isu-tanaasul iyo ilaalinta nabadda ay ku tilmaaman yihiin reer Puntland".

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM