Xasan Shire Abgaal: Deni wuxuu tartamayaa isaga oo xilka haya

Image
Siyaasiyiinta u ololanaysa in uu is-casilo madaxweynaha Puntland ayuu ku qeexay "kuwa uu hunguri haayo".

GAROWE, Puntland - Xukuumadda Puntland ayaa Sabtida maanta ah waxay shaacisay in aanu madaxweyne Deni is casilayn isaga oo xilka haayana uu u tartami doono jagadda ugu sareysa Soomaaliya.

Xasan Shire Abgaal, wasiirka maaliyadda dowladda Puntland, ayaa carabka ku adkeeyay in sharciga Puntland uu Deni u fasaxayo in isaga oo xilka sii haaya uu u ordo "badbaadinta waddanka".

"Deni isaga oo madaxweynaha Puntland ayuu Madaxweynaha Soomaaliya u tartamayaa, hadduu soo waayona wuxuu ahaan madaxweynaha Puntland," ayuu u sheegay warbaahinta.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiyiin ka hadlay madasha Twitter-ka Garowe Online ay aad u falanqeeyeen arrintan ayaga oo ka dhiibtey aragtiyo kala duwan oo iska soo horjeeda.

Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed, lataliyaha amniga Deni, ayaa sheegay in uusan jirin dano siyaasadeed oo ka hor istaagaya madaxweynaha Puntland in uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

"Dastuuriyan ma jirto dano is-diidaya oo ka dhalanaya in madaxweynaha Puntland isku soo sharaxo hogaanka Soomaaliya," ayuu yiri Maxamed oo soo noqdey agaasimaha hay'adda PPMFT-ta.

Cali Xaaji Warsame, wasiirkii hore waxbashada Puntland, ayaa dhankiisa wuxuu ka dhawaajiyey in ay Deni kala xaajoodeen qadiyaddan "balse aysan wali helin jawaab ayna ka quusan in uu dalka u turo".

"Illaa haatan wax jawaab ah kama aanan helin. Laakiin kama quusan. Waxaan rajeynaynaa in ugu yaraan uu wareejin doono maamulka si howlaha dowladda u sii socdaan hadduu doono yuusan iska casilin xilka," ayuu xusay.

Deni ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo sheegay in qorshihiisu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM