Xeerka Dalxiiska Puntland oo si aqlabiyad ah loo ansixiyey

Image
Image
Image
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland ayaa gudbisay xeerkan.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada.

Kulankan ayaa la sheegay in todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.

Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Dhanka kale, madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, sida laga soo xigtey qoraalka kulanka.

Karaash ayaa faray Hay’addaha Dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahan yihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Puntland ayaa talaab kale oo dhanka dimuqraadiyada ah ku talaabsatay xilli ururada siyaasadda ay xalay ka qeybgaleen dood uu daadihinayo guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah.

Doodan aaa imaaneysa kahor bilowga coddeynta dowladaha hoose oo loo balansan yahay 25-ka bishan October. Garoonka Xalwo Kismaayo ee Qardho ayaa martigeliyey madashan ay dadweynuhu xaadireen.

Nidaamkan ayay Puntland kaga gudbeysaa habka qabiilka oo tabashooyin badan abuuray wallow maamulku kusoo caana-maalay hase ahaatee waxaa la sheegay in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM