Xiisad ka taagan Tukaraq iyo Ciidamo ku wajahan

Image

GAROOWE, Puntland - Xiisad colaadeed ayaa ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo maalintii shalay dagaal kula wareegeen ciidamada Somaliland.

Dowladda Puntland ayaa ciidamo iyo gaadiid dagaal u dirtay gobolka Sool, kuwaasi ka qeyb-qaadan doono tallaabo military oo Puntland uga jawaabayso duulaanka Somaliland.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay joojiyeen dhamaan wixii gaadiid ahaa ee ka imaan jiray ama aadi jiray dhanka Somaliland, sababo la xiira xiisada soo cusboonaatay.

Faraweyne ayaa xusay in jidka u dhaxeeya Laascaanood iyo Garoowe uu xiran yahay wixii maanta ka dambeeya, islamarkaana loo ogol yahay oo kaliya gaadiidka ciidanka iyo kuwa mas’uuliyiinta. Halkan ka akhri.

War Saxaafadeed kasoo baxay shalay Puntland ayaa lagu sheegay in ay jawaab cad ka bixin doonaan weerarka lagu soo qaadey Tukaraq, oo 86Km u jirta Caasimadda Garoowe.

Dhanka kale, Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa ka hadlay xaaladda Tukaraq iyo la wareegitaanka ciidamada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Somaliland ay ka go’an tahay inay iska difaacdo duulaan kasta oo kaga yimaada dhanka Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Cabsi xooggan ay soo foodsaartay shacabka ku nool Tukaraq iyo nawaaxigeeda kuwaasi oo ka baqaya in markale ay ku dul-dagaalamaan ciidamada labada maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM