Isu socodkii u dhaxeeyay Puntland iyo Somaliland oo la joojiyay

Image

GAROOWE, Puntland - Maamulka gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in isu socodkii u dhaxeeyay deegaanada Puntland iyo Somaliland la joojiyay, kadib markii shalay uu dagaal ka dhacay Tukaraq.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa shaaciyay in go'aan kasoo baxay dowladda lagu hakiyay gaadiidkii ka tagi jiray Puntland ee aadi jiray Somaliland iyo kuwii ka imaan jiray Somaliland.

Wuxuu sheegay in illaa amar dambe aysan jiri doonin wax dhaq dhaqaaq ah oo u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland, marka laga reebo gaadiidka ay wataan Mas'uuliyiinta dowladda iyo Ciidamada qalabka sida.

Faraweyne ayaa xusay in ay jiraan xaalado la xiriiro xiisado colaadeed, ayna dib ka soo sheegi doonaan amarka dambe ee lagu furayo wadooyinka isku xira labada maamul.

Gaadiidkii ku socday Somaliland ayaa ku kala xayiran magaalada Garoowe halka kuwii kasoo baxay Somaliland ay hakad ku galeen degmada Laascaanood ee gobolka Sool.

Xiisadda taagan ayaa ka dhalatay Safarkii dhawaan Wasiirka Qorsheynta dowladda Federaalka Jamaal Maxamed Xasan uu ku tagay degaano ka tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, taasi oo sababtay in shalay Somaliland ay duulaan kusoo qaado Tukaraq oo horey u joogeen ciidamada Puntland. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM