Xiisada siyaasadda Puntland oo isku-rogtey gacan-ka-hadal

Image
Illaa haatan, ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku nafwaayay mid kalana wuu ku dhaawacmay is-rasaaseynta.

GAROWE, Puntland - Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda Puntland iyo askar kale oo taabacsan mucaaradka ayaa Talaadada maanta ah waxa uu ka qarxay magaalada Garowe.

Isku-dhacan ayaa kusoo beegmaya daqiiqado kadib markii Xildhibaanadda baarlamaanka ay ogolaadeen in laga doodo furista dastuurka taasoo qeyb ah arrimaha ay ka gadoodeen ciidanka.

Illaa haatan, ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku nafwaayay mid kalana wuu ku dhaawacmay is-rasaaseynta. Warbixinada qaar ayaa dhaawaca gaarsiinaya illaa tobban ruux.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay agagaarka xarunta baarlamaanka halkaas oo ciidamadda ay isku-dhaafsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Fahfaahino kale oo laga helay illo madax-banaan waxay xaqiijinayaan in madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni uu xalay ku hoydey xero ciidan oo lagu magacaabo 54-aad kuna taala Garowe.

Gacan ka hadalkan ayaa ah natiijo ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo xal looga gaari waayay miiska wadahadalka. Deni iyo mucaaradkiisa ayaa isku-maan-dhaafsan doorashada madaxtinimada oo dhaceysa Janaay, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni: Puntland ma aqbalayso Mashaariic siyaasadaysan

Maamulka Deni ayaa si adag uga soo horjeeda waxa uu ku tilmaamay faragelin siyaasadeed oo ka imaanaysa Villa Soomaaliya.

  • Puntland

    14-06-2025

  • 04:47PM

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM