Xiisadda siyaasadda Puntland oo isku-rogtay gacan-ka-hadal

Image
Ciidamo iska-soo-horjeeda ayaa dagaal qaraar uu ku dhexmaray duleedka bari ee Garowe.

GAROWE, Puntland - Dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Puntland ayaa ka dhacay duleedka Bari ee magaala madaxda Garowe, sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka iyo illo dhanka ammaanka ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa waxay sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac ay jirto taasoo soo gaartey labada dhinac ee iska-hor-imaadka uu dhexmaray isla markaana muddo kooban uu socdey dagaalka.

Askarta ayaa waxaa lagu waramay in ay u badan yihiin kuwa badda Puntland ee magacooda loosoo gaabiyo PMPF oo ay mushahaarka siiso dowladda Imaaraadka Carabta.

Cutubyadda PMPF oo gacanta ku hayo oo galbinaya sanaadiiqda doorashada lagu muran-san yahay iyo ciidamada kasoo horjeeda ayaa lasoo wariyay in ilaa hadda is hor-fadhiyaan.

Warar qaar ayaa sheegaya in sanaadiiqdii dib loogu celiyay gudaha magaalada Garowe ka gadaal markii ciidamadda ay isku-maan-dhaafeen waajibaadka lasoo siiyey.

Xukuumadda madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan soo jeedisay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka Puntland iyada oo muddo xileedkii uu ka harsan yahay dhawr bilood.

Talaabadan ayaa waxay horseeday xiisad siyaasadeed iyo diidmo xooggan oo ay kaga hortageen siyaasiyiinta iyo qaybo kamid ah shacabka iyaga oo tibaaxay in ay horseedi karto xasilooni darro iyo qalalaase.

Gacan-ka-hadalkan ayaa yimid xilli siyaasiyiin ku shiray Garowe ay war-saxaafadeed kasoo saaray ku yeesheen in la joojiyo doorashada lagu muransan-yahay ee uu Deni qorsheynayo in uu qabto.

"Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo doorashadaan aan loo dhamayn. Madaxweyne Deni ma leh dhaqan dimuqraadiyadeed, mana lagu aamini karo geedi-socodka dimuqraadiyadda Puntland," ayaa lagu yiri war-murtiyeedka shirka.

Sikastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa waqti-xaadirkan waxay u muuqataa mid heer-kul-keeda uu gaarey meeshii ugu sareysay isla markaana loo baahan yahay isu-tanaasul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM