Xildhibaan ka tirsanaa Gollaha Wakiilada Puntland oo shil ku dhintay

Image

GAROWE, Puntland - Alle ha u naxriistee, Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka dowlada Puntland oo lagu magacaabayey Maxamed Faarax Mire ayaa ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay gobolka Bari.

Sida ay Garowe Online u xaqiijiyeen mas'uuliyiin, mudanaha oo laga soo doorto gobolka Bari, ayaa kasoo baxay magaaladda Boosaaso isaga oo kusoo wajahnaa degmada Waaciye.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qof kale oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Sahal oo ahaa wiil dhalinyaro ah kaasi oo marxuum Maxamed la saarnaa gaariga uu ku isna ku dhintay shilka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramaya in gaariga Xildhibaanka oo nooca raaxada ahaa uu dul-maray mid kale oo xamuul ah oo kusii jeeday dhinaca xarunta ganacsiga Puntland.

"Shilka oo ka dhacay wadada isku xirta Boosaaso iyo degmada Waaciye ayaa yimid markii gaari xamuul oo xawaare sare ku socday uu dul-maray midka ay wateen Xildhibaanka iyo ruuxa kale," ayuu yiri Goobjoogaha.

Maxamed oo noqonaya mudanihii ugu horeeyay ee ka tirsan Gollaha Wakiilada cusub ee Baarlamaanka dowlada Puntland kaasi oo ay geeri ku timaado ayaa la filayaa in la aaso berri oo Khamiis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM