Xildhibaan katirsan golaha deegaanka Galkacyo oo la dilay

Image

GALKACYO- Waxaa salaaddii Maqrib kadib magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagu dilay AHN Xildhibaan Saciid Xayle oo katirsanaa golaha deegaanka degmada Galkacyo.

Xayle ayaa lagu dilay nawaaxiga gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Garsoor xilli uu kasoo baxay salaaddii Maqrib.

Majirto cid sheegatay mas'uuliyadda falkaas iyadoo ilaa hadda aan lasoo qaban dambiilayaashii toogashada gaystay.

Maxamed Axmed Abshir, Guddoomiye ku-xigeenka degmada Galkacyo oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, wuxuuna sheegay inuu ahaa shakhsi howl kar iyo daacadnimo  isku darsaday kaasi oo inta badan ka shaqayn jiray hormarka gobolka Mudug.

Waa masuulkii saddexaad oo bishan Ramadaan lagu dilo magalada Gaalkacyo, waxaana horay loo qur-gooyay gudoomiyihii ururka haweenka Gobalka Mudug iyo wakiilkii wasaradda Qorsheynta ee gobolkaasi.

7 May, 2016 ayaa Galkacayo lagu diley Eng. Cumar Dheere, 8 June, 2016 ayaa la diley Gudoomiyihii haweenka Galkacayo, 21 June, 2016 ayaa la diley isu duwihii wasaarada qorsheynta gobolka Mudug halka 26 June, 2016 lagu diley xaafada Garsoor Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka Galkacayo.

Dhacdooyinkan soo noqnoqday majirto cid wax ka qabatay, waxaana dhawaan shacabka magaalada Galkayo maamulka Gobolka ugu baaqeen inay xafiiska banneeyaan haddii aysan damaanad qaadi karin sugitaanka amniga haldoorka bulshada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM