Xildhibaan tilmaamey in Puntland tahay maamul KMG ah

Image

July 31, 2015 (GO)- Daahir Aamiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanadda Baarlamaanka ee dawlada Federalka oo marti ku ahaa barnaamijka Xog ogaal ee TV ga Royal ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul KMG ah welina aysan buuxin shuruudii maamul goboleed-nimo.

“dalka wax maamul goboleed ah oo la aqoonsan yahay kama jiraan, kuwii hore u dhismay ha ahaadeen ama kuwa hada dhismaya ha noqdaane waxaa jira maamulo KMG ah aqoonsigooduna ku xiran yahay baarlamaanka Soomaaliya”, ayuu yiri xildhibaankaan oo la hadyala TV.

Dad badan oo qaarkood Telephone kaga soo qaybgaleen barnaamijka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay nin mas'uul ah oo ka tirsan baarlamaanka dalka waxaana arintaasi lagu tilmaamay mid sii kala fogaynaysa umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Jeesow wuxuu kamid ahaa xildhibaanada marwalba u taagan qaska iyo fowdada ka dhextaagan Baarlamaanka waxaana lagu xasuustaa ololihiisii riditaanka xukuumadii Cabdiweli Shiikh Axmed, sidoo kale wuxuu hormuud u ahaa mooshinkii laga keenay Jubbaland baarlamaankeedda sharci darada lagu tilaamamey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM