Xildhibaan tilmaamey in Puntland tahay maamul KMG ah

Image

July 31, 2015 (GO)- Daahir Aamiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanadda Baarlamaanka ee dawlada Federalka oo marti ku ahaa barnaamijka Xog ogaal ee TV ga Royal ayaa sheegay in Puntland ay tahay maamul KMG ah welina aysan buuxin shuruudii maamul goboleed-nimo.

“dalka wax maamul goboleed ah oo la aqoonsan yahay kama jiraan, kuwii hore u dhismay ha ahaadeen ama kuwa hada dhismaya ha noqdaane waxaa jira maamulo KMG ah aqoonsigooduna ku xiran yahay baarlamaanka Soomaaliya”, ayuu yiri xildhibaankaan oo la hadyala TV.

Dad badan oo qaarkood Telephone kaga soo qaybgaleen barnaamijka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalka kasoo yeedhay nin mas'uul ah oo ka tirsan baarlamaanka dalka waxaana arintaasi lagu tilmaamay mid sii kala fogaynaysa umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Jeesow wuxuu kamid ahaa xildhibaanada marwalba u taagan qaska iyo fowdada ka dhextaagan Baarlamaanka waxaana lagu xasuustaa ololihiisii riditaanka xukuumadii Cabdiweli Shiikh Axmed, sidoo kale wuxuu hormuud u ahaa mooshinkii laga keenay Jubbaland baarlamaankeedda sharci darada lagu tilaamamey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM