Xildhibaannada golaha deegaanka Garowe oo la dhaariyey

Image

August 18, 2015 (GO)- Xildhibaannada cusub ee golaha deegaanka degmada Garowe ayaa maanta lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Munaasabadda dhaarinta waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin ka tisran golaha wasiirrada Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa guddiga ay dowladdu u saartey soo xulista xildhibaannada golaha deegaanka Garowe.

Tirada guud ee xubnaha golaha ayaa ah 27 xubnood, haseyeeshee waxaa maanta la dhaariyey 26 kamid ah.

Doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka degmada Garowe ayaa lagu wadaa in ay qabsoomto asbuuca soo socda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM