Xildhibaano soo jeediyay in Somaliland liiska argagaxisadda

Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanno katirsan Gollaha Wakiiladda Puntland, ayaa soo jeediyay in Liiska argagaxisadda lagu daro Somaliland, iyagoo u jeediyay eedeymo culus.

Mudaniyaashan oo degaan doorashadoodu tahay gobolka Cayn ayaa ku eedeeyay Somaliland inay Al-Shabaab ku abuurtay buuraha Sanaag iyo Bari, islamarkaana ay dad shacab ah oo aan waxba galabsan kasoo barakicisay gobolka Sool.

Xildhibaannada ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Puntland inuu soo saaro qaraar rasmi ah, oo Somaliland loogu aqoonsanayo maamul argagaxiso.

Somaliland ayaa horey dhowr jeer loogu eedeeyay inay xiriir la leedahay Al-Shabaab, islamarkaana ay hurinayso colaadaha iyo amni darrada ka taagan qeybaha kale ee Soomaaliya, oo Puntland ugu horeyso, maadaama ay xuduud ku muransan yihiin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyay, taasoo kasoo aadaysa xili kumanaan kun oo Soomaali ah tan iyo horaantii bishan laga soo saarey degaanno kamid ah Sool.

Somaliland ayaa difaacday go'aanka dadka ay kusoo barakicisay, iyadoo sheegtay inaysan u dhalan degaanka oo ay ajnabi yihiin. Dad badan ayaa aaminsan in arintan ay isir-nacayb la xiriirrto, maadaam Itoobiyaan badan ay ku nool yihiin Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM