Xildibaan Siciid Nuur oo Gaalkacayo aas qaran loogu sameeyey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

May 9, 2015 (GO)- Magaalada Gaalkacayo waxaa saaka aas qaran loogu sameeyey AHN Xildhibaan Siciid Nuur Dirir oo xalay dabley hubeysni isla magaalada Gaalkacayo ku dishey.

Aaska xildhibaanka waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin dowladda ka tiran oo uu kamid yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey.

Waxaa sidoo kale aaska kasoo qayb galay xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, saraakiil ciidan, isimmo, culimaa'uddiin iyo boqollaal dadweyne ah.

Madaxweyne ku-xigeenka oo si kooban warbaahinta ula hadlay ayaa Ilaah uga baryey marxuumka inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka tegeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Camey ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Puntland gacanta kusoo dhigi doonto sharciga la horkeeni doono ciddii ka dambeysey dilka Xildhibaan Siciid Nuur.

Mas'uuliyadda dilka xildhibaanka waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM