Cayaaraha Goboladda Puntland oo "burbur qarka u saaran"

Image
Mid kamid ah calan-wadayaasha tartanka kubada cagta gobolada Puntland. [Photo: Abdirahman Bulshaawi]

GAROWE, Puntand - Cayaaraha gobolada Puntland ayaa qarka u saaran burbur markii ay guuldareysteen dadaaladii guddigii xalinta khilaafaadkii ka bilaamey cayaartii dhexmari laheyd Nugaal iyo Sanaag, sida uu ogaadey Garowe Online.

Sida Garowe Online fahansan yahay, Guddiga xalinta khilaafka ayaa soo jeediyey in dib loogu celiyo cayaartii gobolka Nugaal iyo Gobolka Sanaag balse taas waxaa ku gacansayrey cayaartoyda gobolka Nugaal.

Soo jeedinta guddiga ayaa la sheegeyaa iney salka ku hayso baaritaano ay sameeyeen halka diidmada Nugaal daaran tahay in dhibcaha xiriirka kubbada cagta Puntland siiyeen aan dib looga noqon karin sida shuruucda Isboortiga caalamiga ah qoreyso. 

Khilaafkaan hareeyey cayaaraha gobolada Puntland ayaa lala xiriirinayaa maamul xumo iyo habacsanaan la soo gudboonaatey wasaarada Cayaaraha Puntland iyo xiriirka Kubbada Cagta taasoo sababtey in howl-wadeeno dowladeed iyo dadweyne gacanta ku dhigaan maamulka kooxaha kubbada cagta.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaan, waxaa jira faragalin ba'an oo xalinta khilaafkaan kaga imaaneysa mas'uuliyiin sare oo ka tirsan dowlada weliba qaar ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.  

"Tartanka Cayaaraha gobolada oo ujeedkiisu ahaa is-dhexgalka dhalinyarada iyadoo lagaga hortagayo dhaqamada xun sida xag-jirnimada iyo qabyaalada ayaa sida muuqato, waxaa taas mida ka duwan qaba mas'uuliyiinta dowlada u sareysa kuwaas dhalinyarada ku hogaaminaya caadifado," ayuu yiri sarkaal ka tirsan xiriirka Kubbada Cagta Puntland oo u waramay GO.

Kulankii golaha wasiirada Puntland qoraal ka soo baxey maalintii shalay ayaa lagu sheegey in cayaaraha dib loogu noqdo islamarkaana mas'uuliyad ay muujiyaan howlwadeenada dowlada in barnaamijkaan ku dhamaado khilaaf la'aan.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo muddooyinkaan dambe ku mashquulsan doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa soo ifbaxaya habacsanaan farabadan ka muuqato hay'daha dowlada qaarkood halka kuwa fadhiid noqdeen. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM