XOG: Dani muxuu kala hadlay odayaasha reer Nugaaleed inta uusan dhoofin?

Image

GAROWE, (GO) - Madaxweynaha muddo xileedkiisa gabaabsiga yahay Siciid Cabdulahi Dani ayaa saaka inta uusan ka ambabixin magaalada Garowe la kulmay qaar kamid ah guddiga odayaasha reer Nugaaleed ee dhowaan soo saarey bayaan ay ku dalbayaan in doorashada Madaxweynaha Puntland u dhacdo sidii hore.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegey in Madaxweyne Dani habeenkii xalay 14 August,2023 goor-dambe si halhaleela uga dalbadey xafiiskiisa in odayaashaas uu rabo inuu la kulmo inta uusan dhoofin.

Xogo laga helayo kulankaas ayaa sheegaya in Madaxweyne Dani odayaasha uu la kulmay ka codsadey in barnaamijkiisa doorashada halka dhinac ah kala shaqeeyaan, taasoo ay diideen.

Xogtaan ayaa sheegeysa in wadahadal dheer kadib odayaashu ka dalbadeen in Madaxweynaha xaajada dhulka dhigo islamarkaana aqbalo in Puntland laga qabto doorasho sidii hore u dhacda.

Dhinaca kale warar kale oo ka soo baxay kulankaas ayaa xusaya in Siciid Dani odayaasha ka codsadey iney doorashada sadexda degmo kala shaqeeyaan in la qabto taasoo ay u cadeeyeen ineysan qaban karin- arinkuna ka dhexeeya Madaxweynaha iyo mucaaradka.

Qabashada kulankaan Siciid Dani kaligiis la qaatey odayaasha reer Nugaleed ayaa waxaa aad uga caroodey sida warar lagu kalsoon yahay u sheegayaan GO qolayaha siyaasada kula socda Madaxweynaha muddo xileedkiisu Afarta bilood ka harsan tahay ee ka soo jeeda gobolka Nugaal. 

Dadka siyaasada falanqeeya oo Garowe Online la hadlay ayaa sheegey kulankaan Madaxweynaha Puntland la qaatey odayaashaan oo siyaasad ahaan kala fogayeen uu sababey kadib markii fashil siyaasadeed Siciid Dani maalmo ka hor kaga soo dhacey magaalada Qardho.

"Hadaan aqaano siyaasada Dani ayaa ah in odaaysha Qardho uu tuso inuu la kulmay odaaysha reer Nugaaleed, isagoo muujinaya dagaalkiisa ku aadan in meelo kale uga wareegey waxgaradka kale ee soo saarey Bayaanka." Sidaas waxaa GO u sheegey qof diidey magaciisa oo aad u yaqaan hab-dhaqanka siyaasadeed ee madaxweynaha.

Waxgarad-garad dhowaan ku kulmay magaalada Qardho ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegey in doorashada madaxtinimada Puntland lagu qabto waqtigeeda islamarkaana u dhacdo sidii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM