XOG: Dani muxuu ku sheegi lahaa hadal-jeedintii uu ka baaqsadey?

Image

GAROWE| Madaxweynaha Puntland Siciid  Cabdulahi Dani oo habeenkii xalay 11/2/2023 ka baaqsadey hadal jeedin uu sameyn lahaa ayaa waxaa sababtu aheyd kadib markii cadaadis kaga yimid Saraakiisha ciidamada, sidaas waxaa Garowe Online u sheegey ilo wareedyo lagu kalsoon yahay. 

Afhayeenka xafiiska Madaxtooyada oo boggiisa Facebook ku leeyahay goorhore maalinimadii Sabatida 11/02 galiyey fariin ah in Madaxweyne Dani la hadli doono shacabka ayaa markii muddo laga joogey xiligi la balansanaa sheegey in hadal jeedintu baaqatey kadib markii cilad farsamo dhacdey.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Madaxweynaha Puntland hadal jeedintiiisa kaga hadli lahaa xaalka magaalada Laascaano iyo in diwaan-galinta hubeysan sii socon doonto. 

"Madaxweynaha ayaa hadal jeedinta ku sheegi lahaa in Puntland qayb ka aheyn dagaalka ka socda magaalada Laascaano, halka ciidamada komaandooska ee dhowaan tagey agagaarka Tukaraq uu ku dhawaaqi lahaa ineysan aheyn ciidamada Puntland, balse yihiin maleeshiyo beeleedyo." Sidaas waxaa u shegeey GO xogogaal diidey in aan magaciisa xusno.

Xogtaan ayaa intaas ku dareysa in sarakiisha sare ee ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa Daraawiishta markii ay arinkaan ka warheleen u sheegeen Madaxweynaha inuu joojiyo hadal-jeedintaas gaar ahaan ka hadalka xaalada ka taagan magaalada Laascaano. Saraakiishaan sare ayaa wararku sheegayaan in qaarkood ku goodiyeen iney is casili doonaan hadii Madaxweynaha muddo xileedkiisu gabaabsiga yahay ku adkeysto go'aankiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa tan iyo intii ay taagneyd xaalada Laascaano iyo diwaan-galinta hubeysan ee la sheegey in laga qabanayo gobolka Nugaal ku suganaa magaalada Bosaso. Siciid Cabdulahi Dani ayaa sida dadka ka warhaya dhaqdhaqaaqiisa sheegayaan in magaalada Bosaso ka dagan xerada ciidamada PMPF, waxaana aad u yar kulamadiisa shaqo.

"Magaalada Boosaso dadka dagan ayaa Mararka qaar is waydiiya in Madaxweynuhu joogo xarunta gobolka Barri iyo in kale." sidaas waxaa GO u sheegey qof dagan magaalada Bosaso. 

Xerada PMPF ee Bosaso ayaa ka baxsan xarunta ganacsiga Puntland taas oo ay adag tahay in dadka shacabka ah galaan. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM