Xog: khilaaf ka taagan sii hayaha xilka Madaxweynaha Puntland

Image

May 5, 2015 (GO)- Khilaaf ayaa ka dhashay cidda sii haynaysa xilka Madaxweynaha Puntland, xilli ay Puntland ka maqan yihiin Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camey.

Madaxweyne ku-xigeenka oo isagu sii hayey xilka madaxweynaha ayaa shalay ka dhoofey magaalada Gaalkacayo isago hadda ku sugan xarunta Jubaland ee Kismaayo. Camey ayaa xilka uga sii tegey Wasiirka Cadaaladda Ismaaciil Maxamed Warsame.

Tallaabadaas waxaa si aad ah uga caroodey Guddoomiyaha Barlamanka Puntland Siciid Xasan Shire oo ku tilmaamey mid sharci darro ah maadaama [sida uu sheegay] hab-maamuuska dowladda Puntland dhigayo haddii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu dalka ka maqan yihiin in guddoomiyaha barlamanku sii hayn doono xilka madaxweynaha.

Isla maanta wuxuu guddoomiyaha barlamanku soo saarey qoraal uu ku cadeynayo inuu yahay sii hayaha xilka madaxweynaha, qoraalkan oo nuqul kamid ah Garowe Online heshay ayaa u qornaa sidan:

Qoraal Guddoomiyaha Barlamanka
GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM