Xog: Madaweyne Gaas oo aqabaley aqoonsiga maamulka Galmudug

Image

Sept 16,2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo kulankii madaxweynaha Puntland kula qaatey madaxda Somalida iyo beesha caalamka ee ka dhacey magaalada Kismayo ayaa sheegaya inuu aqabley inuu heshiis la qaato madaxweynaha maamulka Galmudug iyo dowlada Federalka.

Xogataan ayaa sheegeysa in beesha caalamka cadaadis  ku saartey madaxweyne Gaas inuu aqoonsado maamulka dhowaan laga dhisey gobolada dhexe ee Somalia madaama aan loo baahneyn iney caqabad ku noqoto khilaafkaan kulamada laga yeelanyo wadahadalada laga galayo higsiga 2016.

Magaalada Galkacayo ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu ka wada wadahadalo uu la leeyahay qaybaha kal duwan ee buslhada Gobolka Mudug iyo Barlamanka kuwasoo ku qancinayo sidii uu uga qayb gali lahaa kulamada dhowaan laga yeelanayo arrimaha Somalia.

Barlamanka Puntland oo horey kulamo uga yeeshey arrimaha Somalia ayaa diidey inuu aqoonsado maamulka cusub ee Galmudug isagoo shuruud uga dhigey dowlada Federaalka in saxdo arrimaha ka khaldan Dastuurka Somalia

Xogtaan ayaa xuseysa dhinaca kale in madaxweyne Gaas inta uu kasoo noqdey magaalada Kismayo uu kulamo gaar ah la qaatey Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo iminka ku sugan magaalada Galkacayo.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo warsaxafeed ku qabtey magaalada Galkacyo markii uu kasoo noqdey magaalada KIsmayo ayaan saxaafada iyo shacabka Puntland u sheegin go'aamada balan qaadka uu kasoo sameeyey magaalada Kismayo iyo ka qayb galka kulamada ka dhacaya Muqdisho.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM