Xog: Madaxweyne Gaas oo fasaxey isticmaalka lacago la daabacey

Image

22 August, 2015 (GO)- Xukuumada Puntland ayaa qorsheyneysa in maalmaha soo socda suuqa soo galiso lacag Shilin Somali ah oo lagu daabacey gudaha dhismaha Bangiga dhexe ee magaalada Bosaso.

Warsidaha Garowe Online ayaa warar lagu kalsoon yahay u sheegayaan in wasaarada maaliyada ku jirto diyaargarowegii ugu dambeeyey ee lacagtaan Shilin Somaliga ah ku soo galin laheyd suuqayada magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyadoo xogtaan tibaaxeyso in lagu bixinayo musharharadka shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada.

Wararka Garowe Online soo gaaraya ayaa sidoo kale sheegaya in asbucii lasoo dhaafey wasiirka maaliyada Puntland uu la kulmey gancsatada magaalada Bosaso isagoo ka codsadey iney tageeraan qorshaha lacagta Shilin Somaliga lagu daabacayo.

Ganacsatada Puntland ayaa ka biyo diidey codsigaan iyaga oo sheegey in lacagtaan  loo baahneyn madaama suuqa sarifka lacagta fadhiyo islamarkaana dowladu cashuuraha ku qaado dollar iyadoo sidoo kale uusan jirin sicir barar dhibaato u keena dadka danyarta ah ee hela dakhliga aan tirada badneyn.

Ganacsade diidey in magaciisa aan xusno madaama xaalada taagan u samaxeyn ayaa warsidaha GO u sheegey in kulankaan wasiirka maaliyada Puntland la socodsiiyeen in Puntland waqtigaan lacago kale oo Shilin Somali sharci daro ah suuqyada ku jiraan taasoo keeni karta in sicir bararku cirka isku shareero hadii lacago kale la daabaco.

Lacagahaan ayaa la sheegey in degaanada Puntland kaga yimadaan gobolada dhexe ee Somalia iyadoo maalmihii ugu dambeeyey lagu arkayey suuqayada magaalooyinka Galkacayo, Garowe iyo Bosaso.

Dhinaca kale waasarada maaliyada Puntland oo la kulantey sariflayaasha magaalada Bosaso  ayaa ka dalabatey in hadii lacagta Shilin Somali oo la soo daabacey suuqa soo gasho aysan sarifka lacagaha dollarka kor u qaadin.

Sariflayaasha magaalada Bosaso ayaa u sheegey in aysan iyagu xakumin dhaqdhaqaaqa sarifka lacagaha madaama suuqu xakumo codsiga iyo dalabka imaanaya  (Demand and Supply).

Wararka la xiriira daabacada lacagaha Shilin Somaliga ayaa waxaa wel-wel weyn horey uga  muujiyey shacabka iyadoo dhowaan culimaa'udiin la kulmeen gudoonka Barlamanka Puntland kuwasoo ka digey dhibaatada ay keeni karto lacago Shilin Somali ah  ee la daabaco.

Makiinada lacagta ku daabaceysa xarunta Bangiga Bosaso ayaa waxaa maalgaliyey shaqasiyaad ganacsi ka raadinaya iyadoo dowlada Puntland-na rabto in mushaharka ku bixiso balse su'aasha taagan waxay tahay madaaama maalgalin farabadan ku baxdey sameynta lacagtaan sidee kharashkii galey kusoo celein kartaa?

Xogogaal ka warhayey waqtigii lacagaha shilin Somaliga ee falsada ah lagu daabacey degaanada Puntland markaasoo uu wadanka madaxweyne ka ahaa Cadde Muse ayaa Garowe Online waxaa u sheegey sida kaliya oo maalgaliye-yaasha warshadaan ku heli karaan faa'ido iney tahay iyagoo suuqa soo galiya lacag farabadan taasoo ay ku badalanayaan dollarka suuqa yaala.

Talaabadaan ayaa sababeysa in Shillin Somali farabadan oo suuqa lagu soo daadsho uu baadigoobo ama lagu badasho dollarka yar ee deeganada Puntland kasoo gala xoolaha la dhoofiyo iyo mushaharka hay'adaha caalimaga shaqaalaha siyaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya sidoo kale in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas amrey maalmihii lasoo dhaafey  in ganacsatada maalgalineysa daabacada lacagtaan la siiyo doolarka wasaarada maaliyada cashuur ahaanta u qaado taasoo u suuragalineysa iney soo iibsadaan qalabka ay u baahan yihiin ( The Raw Materials).

Isku- soo xoori waxaa marag ma doonto ah in lacag Shillin Somali faalso ah oo lagu daabaco degaanada Puntland abuurayaan qiimaha dollarka oo kor u kaca, badeecada suuqayada taala oo qaali noqota taasoo markiiba keeneysa in shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada ee la siiyo mushaharka yar maciishada gadan waayaan, halka dadka danyarta ah ganacsigooda suuqa ka baxayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM