XOG: Sidee loogu Isticmaaley Maxkamdda Sare ee Puntland iney fuliso dano siyaasadeed?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay kadib markii ururada Mideeye, Horseed iyo siyaasiyiin muddo sadex bilood laga joogo Dacwad ka dhan ah dowlada Puntland u gudbiyeen ayaa Maxkamdda Dastuurka ah weli wax jawaab ah ka soo celin taasoo muhiim u ah cakirnaanta siyaasadeed ee ka jirta maamul kaas.

Guddomiyaha Maxkamdda sare sida horey warsidaha Garowe Online u shaaciyey isaga oo wax tafasiil ah bixin ayaa ka maqan in muddo ah magaalo madaxda Puntland iyadoo xoggo lagu kalsoon yahay sheegayan in cadaadis kaga yimid dhinaca madaxda sare ee Puntland ka tagey Garowe ka hor inta aan la ansaxin Guddiga doorashada Puntland “PEC”.

Qodobka 89aad ee Dastuurka Puntland ayaa qeexaya qaab dhismeedka Maxkamadaha kaasoo u kala saaraya: Maxkamdda sare ee Puntland, Maxkamdda Dastuurka, Maxkamdda racfaanka ee gobolada, Maxkamdda darajada kowaad, guddiga sare ee Maxkmada Garsoorka iyo xeer ilaalinta guud.

Maxkamdda sare ayaa ka koobanta 5 Garsoore halka Maxkmada Dastuurka ka kooban tahay 4 Garsoore.

Maxaa dhacey maalin ka hor doorashadii guddiga doorashada Puntland?

Kadib markii Gudoomiyaha Barlamanka Puntland dib ugu noqdey magaalo madaxda Puntland ee Garowe waxaa uu la kulmay khilaaf u dhexeeya urur siyaasadeedka shaqaalaha- isaga oo garab kamid ah ururkaas oo ay hogaamineyso Xoghayaha ururkaas u sheegey in xubinta ururkaas u matali doonta PEC hadii ay siiyaan uga a Saxon doono golaha- sidaas kaga guuleysan doonaan dhinaca sharciyada garabka kale oo khilaafku kala dhexeeyo kaas oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha ururkaas.

Gudoomiye Abdirashid oo aan dhinacna eegin ayaa maalin kadib furey kulankii barlamanka Puntland islamrkaana waxaa uu cid ku ansaxiyey 9 xubnood ee guddiga doorashada Puntland ah ee la isku khilaafsan yahay.

Sagaalkaas xubnood ayaa waxaa kamid ahaa xubintii la isku khilaafsanaa, Faadumo Axmed Siicid ee ururka Shaqaalaha balse uu soo magacowdey gudoomiyaha Barlamanka Puntland.

Halkee ka yimid khikaafka Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiye Cabdirashid?

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey subaxii aan la ansaxin xubnaha sagaalka ah ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha xilka madaxweynaha Puntland, Axmed Cilmi Cismaan uu Guddoomiye Abdirashid ka dalbadey inta uusan aqalka wakiilada tagin gurigiisa ku soo maro balse waa ku gacan sayrey.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axamad Karaash damacsanaa in xubinta ururka Shaqalaha ee la isku khilaafaan yahay oo ka soo jeedey gobolka Sanaag uu damacsana inuu yiraahdo ha ansaxin balse ku gacan sayrey.

Xubnaha guddiga doorashada Puntland ee la isku khilaafsan yahay ayaa ka kooban: Sadex xubnood ee uu soo magacaabey Madaxweyne kuwaas oo kala ahaa; Labo xubnood oo ka soo jeeda Dhulbahante iyo Leekase. Halka Sadexda xubnood oo Barlamanka Puntland soo gudbiyey gaar ahaan gudoomiye Cabdirashid ay kala ahaayeen; Labo xubnood oo Warsangali ah iyo xubin Majeerteen ah.

Hadaba xubinta Guddoomiye Cabdirashid ka qaatey ururka Shaqalaha waxay meesha ka saartey misaankii siyaasadeed taasoo Qabiilka Warsangali siisey Sadex xubnood.

Qorshaha Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa ahaa in xubinta Guddomiye ku xigeenka PEC qaataan gobolka Sanaag taasoo sababtey in Madaxweyne ku xigeenku Puntland ahna ku simaha talaabooyinkaan qaado.

Maxaa dhacey kadib?

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubno uu kamid yahay gudoomiye ku xugeenka labaad Barlamanka Puntland u yeertaan guddoomiye ku xigeenka Maxkmada sare ee Puntland oo isagu ka soo jeeda gobolka Sool kana dalbadaan iney soo saaraan qoraal xubinta la isku khilaafsan yahay ee ururka Shaqalaha uga mid noqotey PEC ka joojiyaan kamid ahaanshaha guddigaan inta khilaafka ururkaan oo garab kale dacwad soo gudbiyey inta laga xalinayo.

Talaabadaan oo dad badan soo dhoweeyeen in Maxkamdda sare soo dhexgasho khilaaf noocaan ah ayaa dad qaar soo dhoweeyeen halka qaar kale shaki ka muujiyeen degdeg faragalinta.

Dhinaca kale isla-habeenkii waxaa jawaab uu ku diidayo go’aanka Maxkmada soo saarey Guddoomiyaha Barlamanka Puntland isagoo sheegey ineysan sharci u laheyn xanibaad a xubintaan.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey waxaa habeenimadii 11/09/2023 Gudoomiye Cabdirashiid soo saarey qoraalka bilowdey dhexdhexaadin dhinacyada xaajadaan isku haysa, waxaana kulan u dhexeeya siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sanaag iyo Sool ku heshiiyeen in Gudoomiye ku xigeenka PEC loo daayo xubin ka soo jeeda gobolka Sanaag.

Heshiiskaan muxuu keeney?

In kulan isagu yimaadeen xubnaha PEC oo ay ka maqan yihiin wakiilada matalayey ururada Mideeye iyo Horseed kulan saxaafada dibada ka joogtey oo ka dhacey Hotel Martisoor ku doorteen Gudoomiye iyo ku xigeen. Gudoomiyaha iyo ku xigeenka ayaa labaduba kamid ahaa Ururka KAAH ee Deni iyo qoyskiisa.

Fu'aad Adeer oo Gudoomiye u doorteen ayaa kamid ahaa Aas-aasayaashii KAAH isaga oo ahaa Gud xigeenki ururkaas.

Kulankaas ayaa waxa qayb ka ahaa xubintii Maxkamadda sare ka joojisay ka qayb galka guddigaan.

Maxaa gaarey Maxkamadda Sare ?

Sida wararka lagu kalsoon yahay sheegayaan Maxkamdda Sare ayaa go’aankii degdeg ahaa oo xubinada PEC kaga joojineysay wakiil la isku khilaafsan yahay, waxaa keentey in Garaoorayaashu kala qaybsamaan taas oo sida sharci yaqaadu qabaan wax u dhimeysa in go’aan dambe oo wadajir ah soo saaraan.

Maxkamdda Dastuurka ah oo weli aan ka soo jawaabin dacwadaha Dastuurka ah ee la yaala ayaa sidii kale talaabada Maxkamdda sare qaadey waxay ku tahay waji- Gabax hadii qoraalkii ay soo saareen fasiraad ka bixin sababta uu shaqeyn waayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM