XOG: Talefishinka Puntland oo qarka u saaran inuu xirmo

Image

August 7, 2015 (GO)- Wararka soo gaaraya warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in inta badan shaqaalihii ugu muhiimsanaa Puntland TV shaqada isaga tageen kadib markii ay lasoo gudboonaatey mushahar la'aan joogto ah yo maamul xumo baahsan oo ka timid maamulka TV-ga iyo Wasaaradda Warfaafinta Puntland.

Puntland TV oo ay dhismahiisa iska-kaashadeen dowlada Talyaaniga iyo Puntland ayaa markii la aasayey waxaa loo magacaabey agaasime guud oo madaxbanaan balse shaqo ahaan hoosyimaada xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Dowalada Talyaaniga oo kaalin wayn ka qaadatey qalabeynta talefishinkaan iyo xukuumaddii xilligaas talada haysay ayaa isla-gartey si loo ilaaliyo madaxbaabnida warbaahinta ku hadasha af-ka shacabka Puntland in la dhiso guddi ka koobma bulshada ( Board of Directors) halka Agaasimaha guud uu wadayo howl-maalmeedka PLTV.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas ayaa markii uu talada la wareegey xafiiska waxaa uu magacabaey maamul cusub kasoo ka koobmey Agaasime iyo ku-xigeen halka bilo kadib uu talada TV ku wareejiyey Wasaarada Warfaafinta.

Cabashada ugu badan oo ka imaaneysa shaqaalaha TVga ee shaqada isaga tagaya marka laga reebo mushahar'laanta haysata shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada Puntland ayaa ah khibrad xumida agaasinka cusub ee madaxweyne Gaas ku aaminey howlmaalmeedka PLTV.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Warfaafinta (Indhaguran) oo lagu tiranayey markaas xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Gaas ayaa ku guulleytey in xarunta TVga oo maamulkeedu markii hore xafiiska madaxtooyada hoos-imaanysay isaga la hoos keeno.

Wasaarada Warfaafinta oo saameyn uu ku yeeshey isbadalkii ugu dambeeyey ee golaha Wasiirada ayaa waxaa loo magacaabey  Maxamuud Xasan Soo-cade oo wararku sheegayaan inuu sii huriyey cabshadii shaqaalahu ka sheeganayeen mamaul xumada iyo mushahar la'aanta baahsan oo ka jirta xaruntaas.

Wariyeyaasha labadii asbuuc ee u dambeeyey ka tegey PLTV waxaa kamid ah:

1 Cabdiqani Cabdulaahi Irbad oo ahaa tifaftirihii Puntlandtv 
2  Cabdirisaaq Xasan Cabdi Jubba madaxii wararka tvga 
3 Maxamed Khaalid Yuusuf madaxii shaqada iyo shaqalaha 
4 Mahad Xasan Gudaal madaxii farsaamada 
5 Sharmaake Maxamed Warsame oo madaxii Idaacada Puntland 
6 Ibraahim Muuse Dahraan Wadani- Wariye
7 Casiiso Muuse Cabdikariin- Wariye

Shaqalaha shaqada ka tagay oo qaar ka tirsan la hadleen warsidaha GO ayaa sheegay in muddo sanad iyo Bar ah ku shaqeynayeen marxalad adag iyo mushahaar la'aan iyagoo intaas ku daray in dakhliga kooban ee laga helo xayeysiisyada TVgu baahiyo ku takri faleen maamulka gacanta ku haya PLTV.

Shaqalaaha PL-TV waxaan ku matalay [Desert Flower] oo la macne ah ubax lama degaan ka baxay, Ubaxa waa wax qurxoon udgoon oo indhaha u roon balse haddii uu ka baxo lama degaan udgoonkaasi iyo quruxdiisa macno yeelan mayso saamayna yeelan mayso waxaa qiimihiisa qariyay oo bedelay saxaraha uu ka baxay, shaqalaha waxaan ku matalay Ubaxa mamulka TV-gana waxaan ku mataley lama degaankii, dedaal badan shaqaaluhu way sameeyeen laakiin wuu socon waayay dadaalkaasi 9-kii bilood ee ugu danbaysya” sidaas waxaa boggisa Facebook soo dhigay Cabdirisaaq Jubba "Madaxa shaqaalaha" oo shalay 6 August,2015 shaqada isaga tagay.

Warsidaha Garowe Online ayaa u soo bandhigaya akhristaayshiisa iney saxiixaan bogaan ay kaga dalbanayaan Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas in uu si deg deg ah u soo faragaliyo dhibaatada maamul xumo iyo dhaqaale la'aan ee ka tagaan PLTV taasoo sababtey in badi shaqaalihii tababarka fiican qabey shaqada ka tagaan Halkaan Riix Bogga Sixiixa

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM