Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo xoghaye yeeshay

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu yeeshay xoghaye cusub, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed uu arkay Garowe Online.

Sidda ku xusan bayaanka, magacaabida ayaa lagu go'aamiyey kulan ay xubnaha guddiga yeeshaan isla maanta oo taariikhdu ay ku beegan tahay 14-ka bisha Maaj sanadka 2020-ka.

Ubax Cabdullaahi Abshir oo shahaadada labaad ka haysata maamulka dowladda iyo dhaqaalaha ayaa lagu dhawaaqay in loo xushay jagada xoghayaha guud ee guddiga magaciisa loosoo gaabiyo TPEC.

Sidoo kale, waxaa lagu waramay in ay leedahay waaya aragnimo in ka badan 15-sano ah oo ay lasoo shaqeysay hay'addo dowladeed iyo kuwa gaar loo leeyahay kana howlgala dalka iyo dibadda.

"Guddiga wuxuu guul iyo shaqo wanaag u rajeynayaa Xoghayaha cusub ee la magacaabay," ayaa lagusoo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

TPEC ayaa looga fadhiyaa in ay coddeyn qof iyo cod ah ka hirgeliyaan Puntland doorashadda soo aadan. Madaxda guddiga waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen in ay ku guuleystaan waajibaadooda.

Bishii lasoo dhaafay ee Maaj, guddiga ayaa aqoonsi ku meelgaar ah siiyey 17 ururo siyaasadeed, kuwaas oo qorshuhu yahay in ay soo buuxiyaan shuruudo ku harsan si ay u helaan shahaadada rasmiga ah.

Hoos ka akhriso qoraalka magacaabida

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM