Xukuumada Deni oo xalineysa tabashooyinka amniga ee Mudug

Image
Image
Image
Image

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Gaalkacayo kulan kula qaatay Nabadoonada iyo xubno ka mid ah ganacsatada gobolka Mudug.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa ka war bixiyey kulanka.

"Maanta waxaa uu Madaxweynaha Dowladda Puntland ku qaabiley Madaxtooyada Gaalkacayo nabadoonada gobolka Mudug, khaasatan inta joogtay magaalada Gaalkacayo iyo xubno kamid ah ganacsatada halkaas oo looga wada hadlay guud aahaan xaaladda dalka, gaar ahaan gobolka Mudug haday ahaan lahayd nabadaynta iyo dib u hishiisiinta gobolka, haday ahaan lahayd adkaynta iyo kawada shaqaynta Amniga, haday ahaan lahayd wanaajinta Dowladnimo wanaagga"

"Nabdoonada aad iyo aad ban ugu mahadcelinayna in ay Madaxweynaha la wadaageen xaaladda gobolka iyo baahiyaha ka jira oo dhan iyo sida wax looga qaban karo, Madaxweynuhu waxaa uu maanta halkaas ka balanqaaday in dowladdu qaadan doonto doorkeeda iyo mas'uuliydeeda saaran sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka dadku qabaan dhanka Amniga, ka shaqaynta dowladnimada iyo arrimaha bulshada, aad iyo aad ayuu shirkaas ugu soo dhammaaday is afgarad iyo wadashaqayn" Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda.

Puntland State House

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM