Xukuumada Puntland oo ka aamusan daadad go'doomiyey Qardho

Image
Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey xaalad khatar oo wax ka qabasho degdeg ah.

GAROWE, Puntland - Magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa ku dhuftay daadad xoogan oo kasoo rogmaday togaga magaalada. Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey xaalad khatar oo xal u baahan.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay maadaama oo magaaladu ay kala xiran tahay oo aan loo gudbi karin dhanka suuqa iyo carwooyinka.

Goobjooge ku sugan Qardho ayaa Garowe Online u sheegay "khasaaraha sidii daadkii hore ma ahan maadaama oo xiliga ay soo rogmadeen xalay uu ahaa wakhti danbe oo labo ilaa saddexdii xiliga dambe ah oo dadku guryahooda ku jireen badankood".

April 2020 iyo Oct 2022 ayaa sidaan oo kale Qardho daadad ugu soo rogmadeen iyada oo madaxweynaha Puntland uu magaalada tagay isla markaana guddiyo magacaabay balse waxaa la is waydiinayaa sababta ilaa hadda aan arintaas waxba looga qaban.

Guddiga Culimada ee Gurmadka fatahaada Qardho ayaa sheegay in ay u dhigeen lacag ka badan hal milyan iyo bar dollar si wax looga qabto biyaha markasta Qardho kusoo rogmada iyaga oo aan ilaa hadda la wadaagin bulshada halka ay hawshaasi gaarsiiyeen.

Xukuumada Puntland ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin fatahaada kusoo rogmatay magaalada Qardho iyada oo wali magaalooyinka kale ee Puntland sida Galkacyo iyo Garowe ay dhex fadhiyaan biyihii roobka lagana digayo in xanuuno ay ka dhashaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM