Xukuumadda Deni oo ku eedeysay Mucaaridka inaysan doonayn wadahadal

Image
Dallada Mucaaradka Puntland ayaan weli ka jawaabin eedeynta Dowladda.

GAROWE, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa maanta ku eedeysay siyaasiyiinta mucaaradka ah inaysan diyaar u ahayn wadahadal lagu xaliyo khilaafka doorashada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Guddoomiyaha Guddiga Wada-xaajoodka Doorashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa eedeyn culus u jeediyay mucaaradka, isaga oo leh:

“Dallada Mucaaridku waa diideen in ay nala fadhiistaan oo nala hadlaan, waxa ayna na tuseen in aysan wada-hadal diyaar u ahayn.”

Wasiir Juxaa ayaa intaasi ku daray “Waxaanu u aragnaa in arrintan xalkeedu yahay wada-tashi, haddii aan laga wada-hadlinna xal ma gaari karno, haddana waxa aanu ku baaqaynaa wada-hadal.”

Dhinaca kale, Dallada Mucaaradka Puntland ayaan weli ka jawaabin eedeynta Dowladda ee ku aadan inaysan diyaar u aheyn wax wadahadal ah.

​Madaxweynaha xilka ka degaya Siciid Cabdallah Deni ayaa wasiir Juxaa u magacaabay inuu maareeyo faylka wadahadalada mucaaradka iyo maamulka talada haya.

Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa tan iyo markii uu guddiga dhisay qaaday tallaabooyin lagu tilmaamay kuwo ka hor imaanaya baaqiisa wadahadal.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM