Xukuumadda Deni oo ku eedeysay Mucaaridka inaysan doonayn wadahadal

Image
Dallada Mucaaradka Puntland ayaan weli ka jawaabin eedeynta Dowladda.

GAROWE, Soomaaliya - Dowladda Puntland ayaa maanta ku eedeysay siyaasiyiinta mucaaradka ah inaysan diyaar u ahayn wadahadal lagu xaliyo khilaafka doorashada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Guddoomiyaha Guddiga Wada-xaajoodka Doorashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa eedeyn culus u jeediyay mucaaradka, isaga oo leh:

“Dallada Mucaaridku waa diideen in ay nala fadhiistaan oo nala hadlaan, waxa ayna na tuseen in aysan wada-hadal diyaar u ahayn.”

Wasiir Juxaa ayaa intaasi ku daray “Waxaanu u aragnaa in arrintan xalkeedu yahay wada-tashi, haddii aan laga wada-hadlinna xal ma gaari karno, haddana waxa aanu ku baaqaynaa wada-hadal.”

Dhinaca kale, Dallada Mucaaradka Puntland ayaan weli ka jawaabin eedeynta Dowladda ee ku aadan inaysan diyaar u aheyn wax wadahadal ah.

​Madaxweynaha xilka ka degaya Siciid Cabdallah Deni ayaa wasiir Juxaa u magacaabay inuu maareeyo faylka wadahadalada mucaaradka iyo maamulka talada haya.

Madaxweynaha xilka ka degaya ayaa tan iyo markii uu guddiga dhisay qaaday tallaabooyin lagu tilmaamay kuwo ka hor imaanaya baaqiisa wadahadal.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM