Xukuumada Puntland oo lagu eedeeyay "hurinta colaad beeleed"

Image
Cabashada dadka degaanka ayaa la xiriirta soohdimaynta khilaafka badan keentay ee wasaarada arimaha gudaha gudbisay.

GAROWE, Puntland - Gobalka Gaardafuu ee Puntland, ciidamo beeleedyo ayaa dagay wadooyinka kali ah ee loo mari jiray gobolkaas, iyada oo dhawaan ay is hortaageen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Saciid Deni.

Wasiir xigeenka dekedaha Puntland, Qaasim Maxamed Yuusuf iyo wafdigiisa oo loo diiday in ay booqdaan degmooyinka gobalkaas, ayaa Madaxweynaha Puntland uu dib usoo celiyay.

Cabashada dadka degaanka ayaa la xiriirta soohdimaynta khilaafka badan keentay ee wasaarada arimaha gudaha Puntland u gudbisay guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

TPEC ayaa ku guuldaraystay in ay wadahadal la gasho degaanada cabanaya, isla markaana ay ku qanciso kahor inta aanay shaacin seejooyinka oo ay ku jiraan deegaano aan dad badani ku noolayn halka laga tagay meelo dad badan ku nool yihiin sida Tisjic oo ka tirsan gobalka Bari, halkaasi oo shir jaraa'id oo ay waxgaradku qabteen ay ku sheegeen in hadii aan Tisjic doorasho loo rabin iyaguna aanay Boosaaso u ogolaanayn in doorasho boob ah ka dhacdo waa sida ay hadalka u dhigeen .

Wasiirkii hore ee Beeraha Puntland Maxamuud Xaaji Saalax oo la hadlay Garowe Online ayaa ka digay wax uu ku tilmaamay "dhaq-dhaqaaqyo aan la mahdin doonin oo xukuumadu ka wado gobalka Gaardafuu".

"Xukuumadu iyada oo raadinaysa dano gaar ah oo gaaban ayay isku dir iyo colaado ka abaabulaysaa gobalka Gaardafuu oo ah midka ugu xasiloon gobalada Puntland," ayuu tibaaxay.

Eng Biriishkolo oo sii hadlaya ayaa yiri: "Waxaan ka digayaa in la qabto doorasho ay Sool iyo Sanaag ka maqan yihiin, midaas hadii la sameeyo waa sharciyad la siinayo cida gobaladaas ka arimisa".

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday walaaca uu ka qabo damaca Deni ee ah in uu kala diro golaha wakiilada dowlada Puntland kahor kalfadhigooda 52aad oo furmi doona 15 june 2023 kaasi oo ah midka u dambeeya mudanayaasha haatan jooga iyada oo Puntland xilliga doorashada October uu madaxweynuhu digreeto ku kala diro barlamaanka .

Damaca deni ayuu ku tilmaamay: "Waa arin khatar ah oo jiritaanka Puntland wax u dhimaysa, hadii Deni uu isku dayo muddo kororsi isla markaana uu barlamaanka kala diro wakhtigooda kahor".

Ururada siyaasada iyo shacabka ayuu ugu baaqay in aysan ka aamusin xaalada Puntland isaga oo xusay in Deni doonayo in uu soo saaro ururka Kaah iyo labo urur oo kale oo ah kuwo uu dhaqaale siiyay si uu kororsi u helo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM