Yoweri Museveni oo qirey in Al-shabaab ciidamo ka qabsadeen

Image

TOKYO, Sept 12, 2015( GO+AP)-  Madaxweynaha dalka Uganda ayaa qirey maanta in ururka xag jirka ah ee Al-shabaab qaar ka tirsan ciidamadiisa maxabiis u haystaan, isaga oo ku eedeyey saarkiisha xukunta ciidamada iney hurdeen marka weerarkaas lala beegsadey.

Yoweri Museveni ayaa sheegey in 16 kamid ah ciidamada dalka Uganda lagu diley weerarkaas halka 6 kale la waayey kadib markii Sep1,2015 weerar lagu soo qaadey xero ciidamada AMISOM ka daganaayeen Janaale.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegey in 50 kamid ah ciidamada Uganda ku dileen weerarkaan ay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen degaanka Janaale.

"Waa khalad ciidamdeenu galeen" sidaas waxaa yiri madaxweynaha Uganda oo saxaafada kula hadalyey Tokyo Japan halkaasoo booqasho ku joogo. " Sarakiisha ciidamedeena wey hurdeen, ma aysan aheyn kuwa taxadaraya. Waan ka joojiney shaqada saraakiishaas waxaana la saarayaa maxkamad ciidan." 

Ciidamada Uganda waxa ay kamid yihiin ciidamada AMISOM kula dagaalamaya kooxaha Al-shabaab kuwasoo raba iney af-gambiyaan dowlada Federaalka Somalia aan awooda badan laheyn.

Madaxweynaha Uganda ayaa dalka Japan ku jooga booqasho kor loogu qaadayo xiriirka labada dal iyo maalgalin lagu sameeyo wadankaas oo kamid ah wadamada Africa ee hurumarka gaarey.

GAROWEONLINE+ Wakaaladaha

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM