Somalia: ​Dagaal kasocda Dhuuso-mareeb

Image

Dagaal xooggan, ayaa kasocda degmada Dhuuso-mareeb ee bartamaha Somalia, kaasoo bilowday xalay saq dhexe, waxaan jira khasaaro kala duwan oo isku dhacaasi sababay.

Dagaalka oo bartamaha magalada ka bilowday, wuxuu u dhaxeeyaa maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ahlu Sunna iyo ciidamo uu wato nin horey uga goostay Milatariga Somalia oo ka soo jeeda deegaankaasi, kaaso magaciise lagu soo koobay Liibaan Madaxweyne.

Afhayeenka maamulka Ahlu-Sunna Mursal Xefow oo BBC-da la hadashay ayaa sheegay in dagaalkan uu ahaa mid la soo abaabulay oo lagu soo qaaday Ahlu-Sunna, waxa uuna ku eedeeyay in Galmudug ku lug leedahay.

Khasaaro xooggan, ayaa lasoo sheegayaa balse  ma jirto cid si rasmi ah kuug cadayn karta, maadaama dagaalku weli socda, waxaan dadka reer Dhuuso-mareeb saq dhexe xalay ka war heleen daryanka rasaasta oo ka bilaabatay saldhiga magalada, wuxuuna soo gaaray saaka wabarigii.

Inkastoo mar dagaalku hakaday misna saaka ayaa dib u cusboonaaday, waxaana goob joogayaashu sheegayaan in dad badan magalada ka qaxeen.

Faah-faahinta wararkeen dambe ayaan idiin kusoo gudbin doonaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mas’uul Sare oo ka socota Qaramada Midoobay oo soo gaartey Muqdisho

Rosemary DiCarlo waa Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 12:10PM

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu maamulada u fasaxo doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey u damcay muddo kororsi, xiligaas oo uu diiday in Madaxweynaha Jubaland qabto doorasho.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 04:32AM