Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Khadka Taleefanka Kula Xiriiray Dhigiisa Ukraine

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Ukraine, Andrii Sybiha. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, wada hadalka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

Dhanka kale, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ukraine ayaa lagu sheegay in wada hadalka uu sidoo kale taabtay mowqifka Muqdisho ee ku taageeraya madaxbannaanida iyo dhul ahaanshaha Ukraine.

Wadahadalka ayaa ku soo beegmaya xilli safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Ruushka, Maxamed Cabdulqaadir Zubeyr, uu soo gaaray magaalada Moscow si uu u bilaabo shaqadiisa diblomaasiyadeed.

Warkan ayaa muujinaya in Soomaaliya ay sii xoojineyso doorkeeda arrimaha caalamiga ah iyo xiriirrada kala duwan ee ay la leedahay dalalka waaweyn ee caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM