Soomaaliya oo ka dalbatay Iraq in labo arin ka caawiso

Image

BAQDAAD - Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Cabdul Amiir Al-Shammari, ayaa la kulmay mas'uuliyiin Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan iskaashi amni oo cusub.

Isagoo kula hadlayay magaaladda Baqdaad, Wasiirka Arrimaha Amniga Gudaha ee Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay inay ka wada hadleen Al-Shammari codsiga Soomaaliya ee ku aaddan la-talin, tababar, iyo wadaagista waayo-aragnimo ee ka hortagga argagixisada, gaar ahaan kooxaha sida Al-Qaacida iyo ISIS, kuwaas oo weli ka hawlgala Soomaaliya.

Al-Shammari ayaa muujiyey diyaar garowga Ciraaq ee bixinta taageero dhammaystiran, oo ay ku jiraan tababarro iyo khibrad maamulka, si ay Soomaaliya uga caawiso inay ka gudubto caqabadaha amniga, isagoo ammaanay dadaallada Soomaaliya ee lagu dhisayo amni iyo xasillooni.

Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa ku sheegay booqashadiisa Baqdaad inay ahayd mid guul leh, isagoo xusay inuu la kulmay mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Ciraaq iyo inuu booqday Xarunta Ilaalada Xuduudaha si uu u qiimeeyo dadaallada socda.

Wasiirka ayaa adkeeyay baahida Soomaaliya ee ka faa’iideysiga khibradda Ciraaq ee ka hortagga argagixisada, ilaalinta xuduudaha, iyo la-dagaallanka ka ganacsiga daroogada.

Fartaag ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay Ciraaq go'aanka ay ka qaateen bixinta taageero lagama maarmaan ah si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM