8 qof oo gaajo iyo harraaad ugu geeriyoodey gobolka Gedo

Image

October 22, 2014 (GO)- Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu soo waramayaa inay gaajo iyo oon ugu geeriyoodeen miyiga deegaanka Geriley ee gobolka Gedo.

Dadka geeriyoodey oo reer guuraa u badnaa waxay kasoo hayaameen deegaanno kale oo isla gobolka Gedo ka tirsan iyagoo kusii jeedey goobo roobka Dayrtu ka da'ay si ay xoolahooda daaq iyo biyo ula raadsadaan.

Aar Maxamuud oo kamid ah odayaasha deegaanka Geriley ayaa xaqiijiyey in dadkaasi dhinteen, isagoo intaas ku daray in 28 qof oo kale lasoo badbaadiyey welina jiraan qaar kale oo la la'yahay.

Abaarta ka jirta qaybo kamid ah gobollka Gedo waxaa ilaa iyo hada u geeriyoodey ku dhowaad 30 qof oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur. Muddo labo sano ah wax roobab ahi kama di'in qaybo badan oo kamid ah gobolka Gedo.

Waxaa socda dadaallo loogu gurmanayo dadka abaartu saamaysay oo ay wadaan hay'adaha samafalka ee maxalliga ah iyo weliba kuwa caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM