Aadan Madoobe oo fariin u diray gudoomiyaha xeerdejinta Jabuuti

Image
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaabilay danjiraha cusub ee Jabuuti, Maxamed Ibrahim Yuusuf.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Aadan Madoobe ayaa danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidda uu sheegay xafiiskiisa.

Sidoo kale, dhambaal saalaan ah ayuu u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dalka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita, oo bishii la soo dhaafay lagu doortay Jabuuti.

Sidda laga soo xigtey qoraalka, Aadan Madoobe ayaa waxa uu kula dardaarmay danjiraha cusub inuu ka shaqeeyo horumarinta iyo wada shaqeynta walaaltinimo ee labada dal.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf oo Guddoomiyaha uga mahadceliyay ayaa, sidda ku cad war-saxaafadeedka, waxa uu xusay in si wanagsan loogu soo dhaweeyay dalka.

Labada dal - Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti - ayuu carabka ku adkeeyay "in ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada xaqiijinta ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM