Aadan Madoobe oo fariin u diray gudoomiyaha xeerdejinta Jabuuti

Image
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaabilay danjiraha cusub ee Jabuuti, Maxamed Ibrahim Yuusuf.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Aadan Madoobe ayaa danjiraha kala hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, sidda uu sheegay xafiiskiisa.

Sidoo kale, dhambaal saalaan ah ayuu u diray Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka dalka Jabuuti, Dileita Mohamed Dileita, oo bishii la soo dhaafay lagu doortay Jabuuti.

Sidda laga soo xigtey qoraalka, Aadan Madoobe ayaa waxa uu kula dardaarmay danjiraha cusub inuu ka shaqeeyo horumarinta iyo wada shaqeynta walaaltinimo ee labada dal.

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf oo Guddoomiyaha uga mahadceliyay ayaa, sidda ku cad war-saxaafadeedka, waxa uu xusay in si wanagsan loogu soo dhaweeyay dalka.

Labada dal - Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti - ayuu carabka ku adkeeyay "in ay kawada shaqeeyaan dhinacyada horumarka gaar ahaan dhinacyada xaqiijinta ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM