Abaabul dagaal oo ka socda duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ahna caasimada KMG ee mamaulka Jubbaland, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga ay halkaas ka wadaan abaabul dagaal.

Ciidamada ayaa waxay isku aruur-sanayaan Saldhiga deegaanka Baar-sanguuni, iyagoo doonaya inay uruqaan-sadaan dhanka tuulooyinka ku dhow, oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan.

Mid kamid ah dadka deegaano oo sababo amaan u diiday inaan adeegsano magaciisa, ayaa wuxuu xaqiijiyay in howlgalkaan ay qeyb ka yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka, ayna wataan labada dhinac Hubka culus.

"Ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM oo kaabaya Askar Mareykanka ah, waxay banaanka soo baxsadeen baabuurta gaashaaman ee dagaalka, waxayna doonayaa inay weerareen Al-Shabaab," mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sidaas sheegay GO.

Abaabulkan dagaal oo ay wadaan ciidanka xooga Soomaaliyeed, ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamo shalay oo Jimco ahayd kasoo baxay magaalada Kismaayo, kuwaasoo gaarey Tuulada Baar-sanguuni.

Deegaanka Baar-sanguuni waxaa laga soo wariyay todobaadyadii ugu dambeeyay falal isugu jira Qarax iyo weeraro, mid kamid ah ahna lagu dilay Askari Mareykan, afar kalena lagu dhaawacay.

Baar-sanguuni waa deegaan Istaariiji ah, wuxuuna ku yaalla meel qiyaastii 45-KM dhanka woqooyi uga beegan Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, iyadoo hareeraheeda ay Al-Shabaab joogaan.

Gulufkaan ciidan ayaa imaanaya iyadoo Baar-sanguuni ay gaareen dhawaan Taliyaha ciidanka xooga Janaraal Gorod iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaasoo iyagana ku kulmay Madaxtooyada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM