Afar jeer oo Itoobiya lagu eedeeyay in ay hub soo gelisay Soomaaliya

Image
Itoobiya ayaa 26-kii July beenisay eedeymaha ah in ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Markii 4-aad ee sanadkan, Soomaaliya waxa ay ku eedeysay Itoobiya in ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya si ay u taageerto maamul goboleedyada.

Bishii Luulyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ammaanku ay gacanta ku dhigeen labo baabuur oo hub ah oo laga keenay xadka Itoobiya oo ay lahaayeen ganacsato hub ah.

Isla muddadaas, Soomaaliya waxay ku eedaysay Itoobiya inay hub geysay Baydhabo.

Bishii Sebtembar, Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya ay hub u soo dirtay Puntland.

Haddana, Soomaaliya waxay ku eedaysay Itoobiya inay hub u dirtay Kismaayo bishii Dec 7dii.

Itoobiya ayaa 26-kii July beenisay eedeymaha ah in ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya. Itoobiya wali kama aysan jawaabin eedeymaha Sept iyo kan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM