Afar qof oo ku dhimatay is-miidaamin ka dhacdey Muqdisho

Image
Jidadka muhiimka ah ee magaala madaxda ayaa lagu daadiyey ciidamo cusub oo laga keenay Uganda. [Photo: Mohamed Abdikadir]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen qarax Axada maantaa h ka dhacay Waaxda Jeneraal Daa'uud degmada Xamar-jajab ee Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in rag watay mooto bajaaj oo xoog kusoo dhaafay bar kontarool ay is-miidaamiyeen. Ma jirto koox illaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan.

"Maanta 16/Apr/2023, abaare 07:30 AM, Degmada Xamar Jajab, ayaa dhagarqabayal saarnaa mooto Bajaaj, ay soo jiireen bar lagu hubiyo gadiidka, iyada oo la raacdeynayo ayeey bajaajtii ku qaraxday Waaxda Gen Daa'uud, dhartoodii ay la damacsanayeen Ummadda Sooman ayaa iyagii ku laabtay waxaana goobta ku halaagsameen 3 dhagarqabe," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay bileyska.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Halka qof muwaadin ah oo wadada marayaay uu dhaawac fudud ka soo gaaray iyo Burbur kooban oo soo gaaray guryaha laamiga ku teedsan agagaarka Haama-dhowr ama Isbilatka Yardimeli".

"Dhacadaas waxaa ku bilowday baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda kala wadaagidoonaa," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka booliska Soomaaliya.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Hase ahaatee, kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay dusha saartey weerarada ka dhacay caasimada.

Jidadka muhiimka ah ee magaala madaxda ayaa lagu daadiyey ciidamo cusub oo laga keenay Uganda kuwaasoo loogu talagalay in ay adkeeyaan nabad-gelyadda inta lagu jiro bisha Ramadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM