Agaasimihiii W. Haweenka Dowlada Federaalka oo xabsiga loo taxaabay

Image

December 11, 2014 (GO)- Booliska Dowladda Federaalka ayaa magaalada Muqdisho ku xirey agaasimihii Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Maxamed Cumar Nuur.

Amarka mas'uulkaas lagu xiray ayaa lagu soo waramayaa inuu si wadajir ah uga soo baxay xafiisyada hanti-dhowrka iyo xeer ilaalinta guud.

Inkastoo dowladdu weli ka hadlin, waxaa hadana wararka hordhaca ah ee la helayaa sheegayaan in loo haysto eedaymo la xiriira musuq maasuq iyo ku-tagrifal awoodeed.

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shir saxaafadeed goor dhow Muqdisho ku qabatey, waxay si kulul u cambaareysey xarigga loo geystey agaasimaha.

Marwo Khadiijo ayaa tallaabadaas ku tilmaantay mid sharciga aan waafaqsaneyn, iyadoo intaas raacisay in kahor intaan la xirin mas'uulkaas ay ahayd in iyada lagu soo wargeliyo.

Dhowaan ayey ahayd markii qoraal kasoo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Federaalka lagu sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee kalsoonida lagala noqdey aanay dalka ka bixi karin ilaa iyo inta lagala xisaabtamayo islamarkaana ay xilalka si rasmi ah u wareejinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis kalluumeysi

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in hawlaha kalluumeysiga ee Soomaaliya lagu fuliyo nidaam dhexe, waara oo si buuxda loo diiwaangeliyay.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 01:55PM

Soomaaliya: Muxuu Farmaajo uga qeybgali waayay shirka Kismaayo?

Farmaajo waa la soo dhaweynayaa inuu ka soo qayb galo, laakiin ma aha qayb ka mid ah madasha qabanqaabisa shirka.

  • Soomaliya

    17-12-2025

  • 09:43AM