Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiirada Beesha Caalamka

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa la yeelanaya kulamo safiirada ka socda beesha caalamka ee ku sugan Kenya.

Kulamada ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Safarka Axmed Madoobe ee Kenya ayaa ka caraysiiyay dowladda Soomaaliya, maadaama xanibaadii socdaalka socon waysay.

Mawduuca ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah muranada sii soconaya ee ka dhex jira Jubbaland iyo dowladda federaalka, kuwaas oo salka ku haya isafgarad la'aanta ku saabsan wax ka beddelka dastuurka iyo dib u habeynta nidaamka doorashooyinka. Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta iyo mashaariicda ka socda Jubbaland.

Ilo ku dhow dhow Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha kadib marka uu dhammeeyo safarkiisa Kenya, uu qorsheynayo inuu u safro Imaaraatka Carabta, iyadoo aan wax fahfaahin ah laga bixin ujeedka socdaalkiisa.

Xiisadda adag ee u dhexeysa Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhalatay khilaafaadka doorashadda Jubaland iyo isbedelada dastuuriga ah ee uu sameeyay Xasan Sheekh iyo dib u habeynta nidaamka doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM