Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiirada Beesha Caalamka

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa la yeelanaya kulamo safiirada ka socda beesha caalamka ee ku sugan Kenya.

Kulamada ayaa looga hadlayaa arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Safarka Axmed Madoobe ee Kenya ayaa ka caraysiiyay dowladda Soomaaliya, maadaama xanibaadii socdaalka socon waysay.

Mawduuca ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah muranada sii soconaya ee ka dhex jira Jubbaland iyo dowladda federaalka, kuwaas oo salka ku haya isafgarad la'aanta ku saabsan wax ka beddelka dastuurka iyo dib u habeynta nidaamka doorashooyinka. Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta iyo mashaariicda ka socda Jubbaland.

Ilo ku dhow dhow Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha kadib marka uu dhammeeyo safarkiisa Kenya, uu qorsheynayo inuu u safro Imaaraatka Carabta, iyadoo aan wax fahfaahin ah laga bixin ujeedka socdaalkiisa.

Xiisadda adag ee u dhexeysa Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhalatay khilaafaadka doorashadda Jubaland iyo isbedelada dastuuriga ah ee uu sameeyay Xasan Sheekh iyo dib u habeynta nidaamka doorashooyinka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM