Al-Shabaab la wareegtay Ceel-waaq iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

CEEL-WAAQ, Soomaaliya - Dagaalyahano aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa habeenimadii Talaadda ahayd waxay qabsadeen magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, ooku dhaw xuduuda Kenya, sida ay Garowe Online u sheegeen dadka deegaan.

Qabsashada Ceel-waaq ayaa ka dambeysay markii ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay isaga baxeen degmada, iyadoo ka bixitaankooda u sahashay Al-Shabaab inay si fudud kula wareegto magaalada gacan ku heynteeda.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ayaa u cararay dhanka Xuduudka Kenya, iyagoo ka baqay in lagu laayo weerarka Al-Shabaab ay ku soo qaadey Ceel-Waaq.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax hadal oo taliska ciidanka dowlada iyo kuwa Jubbaland oo kasoo baxay, oo ku saabsan la wareegista Ceel-waaq, balse wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay ka baxeen magaalada.

Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ma joogaan ciidamo tiro badan oo dowlada ah, taasoo sahlaysa in mar walba ay Al-Shabaab kusoo dhiirato inay soo weerarto xilli kasta oo ay doonayso.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii ay Al-Shabaab la wareegeen gacanta ku haynta Moqokori ee gobolka Hiiraan ka hor inta aysan dib uga bixin, markaasoo ciidamada dowlada dib ula wareegeen.

Waxay kaloo Al-Shabaab weerartay degmada Baardheere, oo katirsan isla Gedo, waxaana ka dhacay magaalada dagaal kaasi oo lagu dilay ugu yaraan 9 mintidiin ah, iyadoo labo nolosha lagu qabtey, sida ay Saraakiishu sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM